Addis Ababa, Talaado, May 6, 2008 Xogta Online
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia Ahmedou Ould Abdallah ayaa ka hadlay qeybaha ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisineed ee bishaan ka furmaya Djibouti.
Wakiilka waxuu sheegay inay ka qeyb galayaan qeybaha Siyaasada Soomaaliya isku haya gaar ahaan Mucaaradka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Wakiilka waxa uu sidoo kale sheegay inay shirweynahaasi ka qeyb galayaan Odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ee hada mas’uuliyiintooda ku sugan yihiin caasimada Djibouti ee dalka Djibouti.
“Odoyaasha Hawiye waxey kaalin weyn ku leeyihiin Siyaasada Soomaaliya, waana muhiim inay ka qeyb talaan shirkaan Djibouti ka furmaya bishaan gudaheeda” ayuu yiri Ould.
Waxa uu sheegay inuu xiriiro la sameeyay Mucaaradka DF gaar ahaan Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia ee saldhigoodu yahay magaalada Asmara isla markaana uu ka dhaadhiciyay sidii ay shirkaasi ugu soo qeyb gali lahaayeen.
“Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia, waxey ka caroodeen fal dhawaan ka dhacay Masjidka Al-Hidaaya ee Muqdisho, halkaasoo la sheegay inay ciidamada Ethiopian-ka ku gooraceen Culumaa’idiin Soomaali ah, taasi ayaana qalqal galisay shirkeyna Djibouti aan ka wadno, balse waxaan ku raja weynahay inaan ka gudbi doono oo ay dhamaan kooxaha Soomaalida soo xaadiri doonaan shirkaan” ayuu yiri Ahmadua Abdalla.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu kulan la yeeshay Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi isla markaana ka wada hadleen xaalada Soomaaliya iyo sidii loo dhameyn lahaa dagaalada ciidamadiisa iyo xoogaga Mucaaradka ku dhex maraya gudaha dalka Soomaaliya.
“Meles waxuu balan qaaday inay ciidamada Ethiopian-ka ka baxayaan gudaha Somalia, hadiiba ay yimaadana ciidamada Midowga Africa ee lagu balansan yahay inay soo gaaraan gudaha dalka Soomaaliya” ayuu yiri Wakiilka xoghayaha QM u qaabilsan arrimaha Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia Ahmedou Ould Abdallah ayaa kusoo beegmaya xili gudaha bishaan la filayo in shirweyne uu ka dhaco dalka Djibouti kaasoo lagu dhexdhexaadinayo kooxaha Soomaalida isla markaana gar wadeen ka tahay QM. |