Ethiopia oo eedeyn u jeedisay Amnesty International.

Addis Ababa , Arbaco, May 7, 2008 Xogta Online

Xukuumada Itoobiya ayaa soo saartey Warbixin ay kaga hadleyso war ka soo baxay Hay'ada Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ,taasoo ka hadleysay falalkii ka dhacayay Soomaaliya.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay Warbixintaasi Hay'adu ka qaadatey dad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee dagaalka Adag kala dhaxeeyo dawladda Itoobiya.

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada ayaa lugu sheegay mid ka soo horjeeda Nabadda & Daganaanshaha dalka Soomaaliya ,gacana lugu siinayo Kooxaha dhibaatada ka wada dalka Soomaaliya.

“ Dagaalada & Rabshadaha ka sii socda dalka Soomaaliya ayaa Amnesty waxa ay uhasleysaa in ay sii sheegto Beenta & Wararka aan Xaqiiqada ku fadhiyin ee ay ka bixineyso dalka Soomaaliya” Ayaa lugu yiri Qoraalkan ka soo baxay Dawladda Itoobiya.

Itoobiya ayaa ku eedaysay Hay'adan in ay Xiriir wanaagsan la leedahay Ururada Argagixisada ee dagaalada ka wada meelo badan oo ka mid ah Dalalka Caalamka.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay dawladda Itoobiya ayaa jawaab u ah Qoraal ka soo baxay Hay'ada Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ,kasoo ka hadlayay Xaaladaha qalafsan ee Soomaaliya ka jira.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com