Aas balaaran oo shalay ka dhacay dalka South Africa gaar ahaan Port Elizebeth.

May 7, 2008 Xogta Online - Shalay oo ah talaado waxaa ka dhacay magaaladda Port Elizabeth aas aad iyo aad u balaaran ooy ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool gobolka Eastern Cape, waxuuna aaskaan ka dhacay xaafada Malabar.

Marxuumka oo lagu magacaabo Khaliif Daahir Macalin Wali oo ka soo jeeda magaaladda dhanaan ee xudunta gobolka S/galbeed marxuumka waxaa dhaawac u geytay tuugo Soomaaliyeed oo ka biloowday wadanka K/afrika

Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) ayaa u gashay dadaal aad iyo aad u balaaran soo qabashadda tuugadda ayadoo la kaashatay ciidamadda amaanka ee dalka k/afrika , soo qabashadda tuugadda ayaa waxaa ka qeyb qaadatay diyaaraddaha qumaatika u kaca ooy hagayaan maamulka jaaliyadda & ciidanka amaanka ,

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Gudoomiye Ku Xigeenka jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Eastern cape mudane: C/raxmaan Raabi oo u mahad celiyay dhamaan walaalihii ka qeyb qaatay Raadinta tuugadda Guud ahaan maamuladda jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Eastern cape oo si weyn ooga qeyb qaatay iyo qaraabadii & eheladii marxuumka  oo muujiyay dadaal xoogan,

Waxuuna si gooni ah carabka oogu dhuftay gudoomiye kuxigeenku walaalaha kala :

1-     Maxamed Budul (Tima Cade)

2-     C/Wali Dheere

Labadaas xubnood oo ka soo jeeda jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda humansdorp oo uu falku ka dhacay

3-     Mukhtaar axmed salaad ,oo ka dirsan xubnaha jaaliyadda ee magaaladda port eizabeth,

Warsaxaafadeedka ka soo baxay  xafiika gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda ee Gobolka Eastern cape   ayaa lagu sheegay  iney jaaliyadu ku wareejisay kiiska marxuumaka & diyadiisa odayaasha labada dhinaca.

Jaaliyadda ayaa u dar daarantay dhamaan odayaasha soomaaliyeed iney u celiyaan xunka dadka soomaaliyeed kitaabka & sunnaha nabiga (S/C/W)

Abuu Sumaya
Cape Town

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com