Barlamaanka Somalia oo u yeeray Wasaarado ka tirsan Xukuumada Nuur Cadde.

Baydhaba, Arbaco, May 7, 2008 Xogta Online

Baarlamanka soomaliya ayaa u yeeray Wasaarado hal bowle u ah xukuumada raysalwasaare Nuur Cadde.

Sida uu cadeeyay Afhayeenka baarlamaanka Shiiq aadan Madoobe baarlamaanka ayaa qoraal uu u gudbay xukuumada raysal wasaare nuur cadde waxaa uu kaga dalbaday in ay baarlamaanka horyimaadaan Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha dawlada faderaalka.

Shiiq Aadan Madoobe ayaa sheegay in Wasiirada wasaaradahaas laga doonayaa in wax laga weydiiyo xaaladaha dalka ka jira.

Baarlamaanka soomaliya ayaa mudooyinka waday la xisaabtan xukuumada iyo su'aalo weydiinta waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay jirtay, waxaana uu baarlamaanka dhowana su'aalo weydiiyay Raysalwasaaraha.

Wasaaradaha Gaashaandhiga oo ku shaqa leh arimaha ciidamada iyo amaanka gobolada soomaaliya ayaa la filayaa in wax laga weydiiyo xaaladaha amaanka ee gobolada dalka iyo inta ciidan ee u diiwaangashan wasaarada.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha oo ku shaqa leh xaaladaha guud ee dalka, sida amaanka howlaha ciidanka booliska iyo maamulada dalka ayaa iyana wax laga weydiinayaan howlahii ay qabatay iyo sababta ay wali maamulo ugu dhisi la'dahay deegaano ka tirsan gobalka oo aan wax maamulo ah ku sugneyn.

Baarlamanka oo mudooyinka u muuqda mid boorka uu isaga jafay habacsanaantii lagu soo eedeeyay bilooyin ka hor ayaa wajihi doonaa dhowaan arrimaha dhaqaalaha dalka iyo xaaladaha sicir bararka ee dalka la soo gudboonaaday.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com