Sanca, Arbaco, May 7, 2008 Xogta Online
Xukuumada Yemen ayaa ciidamadeeda Badda soo gaarsiisay meelo aan wax badan ka fogeyn Biyaha Soomaaliya ,sidaasna waxa ay ka dambeysay ka dib markii ay Shalay warbixin soo saartey Xukuumada Yemen.
Dawladda Yemen ayaa shaaca ka qaaday in ay talaabadan ka danbeysay markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ay tahriib ahaan ku soo galayaan Yemen .
Xukuumada Sanca waxa ay sheegtay in ay Wal-wal ka qabto in Kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya soo galaan dalka Yemen ,ayna markaasi bilaabaan dagaaladu ay ku qaadaan Xukuumada Yemen .
Warbixin si hoose looga helay Sirdoonka Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegaya in ay Sirdoonku ku daba jiraan dad Asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya ,luguna tuhunsan yahay weeraro dhawaan lugu qaaday Safaarado kuyaala Magaalada Sanca.
Hubka leh Hoobiyaasha ee ay hada ku howlgalayaan Kooxaha ka soo horjeeda Xukuumada Yemen ayaa ah mid ay ku shaqeystaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.
Xiriir dhexmaray Sirdoonada dalalka Soomaaliya & Yemen ayaa looga wada hadlay sida ay arintaasi ku dhici karto ,waxa ay ka sameyn karaan labada wadan oo Iskaashi ah.
Ciidamadan lasoo dhigey Xad Biyeedka ay wadagaan Labada wadan ee Soomaaliya & Yemen ayaa ku soo beegmaya xili ay Shalay shaacisay Xukuumada Yemen in Kooxaha maalmahaan la dagaalamayey Ciidamada Yemen yihiin Soomaali.
|