Wasiirka Maaliyada DF iyo Taliyaha ciidamada booliska oo shir jaraa'id qabtay.

Muqdisho, Arbaco, May 7, 2008 Xogta Online

Shirkaan oo ay wada qabteen Wasiirka Maaliyada iyo taliyaha ciidanka Boliiska Somaliya ayaa waxaa looga hadlayay arinta dhibaatada ah ee ka taagan diidista lacagta kunku shilin Somaliga oo laga wada diiday magaalada Muqdisho, shirka ayaa wxa ay ku sheegeen Wasiirada in ay ku amrayaan in lacagaha ay qaataan ganacsatada waxaana halkaasi hadala dheer dheer ka jeediyay Wasiirka Maaliyada Dowladda Somaliya Maxmed Cali Xaamud in laqaato lacgta isla markaana la diido lacagta beena abuurka ah.

Sidoo kalena taliyaha ciidanka Boliiska Somaliya uu sheegay in la joojiyo rabshadaha ey wadaan dadka banan baxayaasha ah waxaana taliyuhu uu sheegay in ganacsatada ay qaataan lacagta kuka shilika Somaliga ah, waxaana uu sheegay in cidii diida ay taloobo ka qaadayaan ciidamada Dowladda Somaliya.

Shirkan jaraa'id ayaa waxa uu ku soo begmayaa xili xaalado kacsan ay ka jiraan magaalada Muqdisho, iyadoo dadka ku dhaqan Muqdisho ay ka cabanayaan dhibaatooyin ku aadan diidista lacagta kunka shilin ee Somaliga ah, waxaana inta badan Dowladda Somalya ay sheegtaa in tallaabo ay ka qaadeyso cidii diidaa kunka shilin, inkastoo wali aan la arag cid ay dowlada u soo qab qabatay oo ku jiraan xabsiyada magalada Muqdisho.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com