Muqdisho: Ciidamada DF oo saaka qarax lagu beegsaday degmada Xamar Jajab.

Muqdisho, Arbaco, May 7, 2008 Xogta Online

Qarax xoogan ayaa saaka ka dhacay gudaha degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beeg saday gaari ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah.

Qaraxan waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceel-gaab ee degmadaasi X/jajab, xilli halkaasi uu marayay gaari ay saarnaayeen Askari dowladda KMG ah ka tirsan.

Lama oga qasaaraha kasoo gaaray ciidamadaasi qaraxa miino ee lala beeg saday, hasa ahaatee qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga dareemay goobo ka baxsan halka uu ka dhacay.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo qarax sidan ah Askari ka tirsan dowladda KMG ah lagula beegsado gudaha degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho, iyagoo qaraxan uu qeyb ka yahay qaraxyo maalintii Muqdisho ka dhaca.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com