Magaalada Jowhar oo loo sameeyay Ciidamo suga amaanka Magaalada isla markaana saldhig ka sameeystay xarumihii DF ee Magaaladaasi.

Jowhar, Khamiis, May 8, 2008 Xogta Online

Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa loo sameeyay Ciidamadamo madani ah oo wata labis u gaar ah ayaa xalay lagu arkayay qeyba ka ka mid ah Gudaha Magaaladaasi iyagoo dhex wareegaya isla markaana sugayo amaanka Magalaada jowhar ee Gobalka sh.dhexe .

Ciidamadani ayaa la sheegay in aysan ku filneyn magaalada maadaama ay tiradooda ka yartahay inta ku filan magaalada oo weyn waxayna gaarayaan boqol askari oo keliya.

Ciidamadani ayaa la sheegay in ay gacan ka helayaan Maxaakiimta Islaamiga waxaana xalay la dajiyay ayna ka howl-galayeen Saldhigga Ciidanka Boliiska Xaafada H/Wadaag ee magaaladaasi .

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa laheeyn maamul rasmi ah marka laga reebo Ciidamadani madaniga ah ee loo sameeyay iyo Masuliyiinta Maxaakiimta islaamiga oo sheegay in ay sugayaan Amaanka Wadada dheer ee isku xirta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com