Dowlada Kenya oo albaabada u laabtay xadka ay la wadaagto dalka somaaliya isla markaana soo dhoobtay Ciidamo badan xaduudkeyda

Baladxaawo, Khamiis, May 8, 2008 Xogta Online

Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in la xiray Xadka Ay Kenya la wadaagto dalka Somaaliya isla markaana sifiican loo adkeeye Dhanka Gobolka Gedo halkasi oo la soo dhigay ciidamo aad u fara badan oo bilaabay Baritaano ay ku sameeynayaan Dadka Xadka ka Talaabaya.

Xadka u dhexeeya magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera ayaa waxaa dhigay Boqaalaal Ciidamo oo ah oo kuwa ilaaliya xadka ah ayaa waxa su'aalo iska weeydiinaya dadka maalin kasta u talaabaya gudaha dalka Kenya.

sida ay saxaafadda ugu warantay Caasho Sowd Cumar oo ka mid ah ururada Bulshada Rayidka ah ee ka dhisan Baladxaawo ayaa sheegtay in ciidamada Dowlada Kenya ee ku sugan Xadka ay la wadaagaan Dalka somaalia ayaa dadka weeydiinayaan halka ay ka yimaadeen iyo waxa ay Kenya ka doonayaan iyo weliba in ay soo arkeen Xubno ka mid ah ururka Al shabaab.

Si kastaba xiritaanka ay kenya xiratay xuduudkeeda ayaa ku soo beegmeysa xilli mareyknaka duqeymo ka geystay dalka soomaaliya isla markaana ay ururka al shabaab ku hanjabeen in ay bartilmaameedsan muwaadiniinta u dhashay mareykanak meel walboo ay kaga sugan yihiin gudaha dalka somaaliya.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com