Baladxaawo, Khamiis, May 8, 2008 Xogta Online
Eng:Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Isbahaysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya ayaa hadal ka yiri kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah ee dhawaan ciidamada Faransiisku ka qabqabteen gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay sheegeen in Maxkamad lagu soo saarayo dalkaasi.
Kooxaha Burcad Badeedka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in ay isku beel yihiin isla markaana uu ku talinayo in Maxkamad lagu saaro dalka Faransiiska isla markaasna waxaa hadalkaas gaashaanka u daruuray Guddoomiye ku-xigeenka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo sheegay in dowladda Faransiisku aanay sharci u haysan in ay dalkeeda ku saarto maxkamad dad u dhashay Soomaaliya.
Xuseen Caydiid oo saxaafadda u warramayay ayaa ku tilmaamay falkaasi afduub ay ku kacday dowlad weyn oo Yurub ka mid ah oo sida uu yiri ku xadgudubtay dal kale oo ah Qaran jira sida hadalka uu u dhigay, wuxuuna xusay in Faransiiska iyo Soomaaliya aysan lahayn balan dadka la isugu dhiibayo, sidoo kalena sharciga dalka Faransiisku uusan qabin in dad dambiyo ka geystey dalkaasi dibaddiisa in shacri lagu qaado.
"Faransiiska iyadaaba afduub iyo qafalasho ku kacday, iyadaana dad ku eedeynaysa inay Markab ka afduubteen, qalad ayayna ku jirtaa oo waa fal sharcidarro ah oo Faransiisku uu ku kacay, sida dhacdadan ay Soomaaliya ka sameeyeen oo kale, waxayna ila tahay haddii ay ku kaceen kooxaha burcad badeedka fal ka dhan sharciga in dowlda Faransiiska iyana ay ku kacday fal la mid ah kii ay sameeyeen kooxaha burcad Badeedka" ayuu yiri Xuseen Caydiid isagoo ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eretreya oo xarun u ah isbahaysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya.
|