Djibouti , Jimco, May 9 , 2008 Xogta Online
QM ayaa soo saartey warbixin ay kaga hadleyso Xaaladaha Shirka Sabtida lafilayo in uu ka furmo Magaalada Jabuuti ,kaasoo ay iskugu imaanayaan dawladda Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda.
Wakiilka gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo warkan Saxaafada siiyey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada hadalada Jabuuti oo qabsooma.
Wuxuuna ugu baaqay Soomaalida oo dhan in ay taageeraan Wada hadalada dibu heshiisiinta ,si looga baxo dhibaatada ay Soomaaliya ku jirtey mudada dheer loogana baahan yahay Dhinacyada Siyaasada in la joojiyo dagaalada & Rabshadaha ka sii socda dalka Soomaaliya.
Axmed wuxuu sheegay in hada ay QM diyaarisay goobtii shirka lugu qaban lahaa, wuxuuna ugu baaqay dawladda Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda in ay soo diraan Ergada uga qeybgaleysa shirka Magaalada Jabuuti ka dhacaya 10-Ka Bishan.
Warkan ka soo baxay Wakiilka QM uqaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili aan San-saan badan oo ku aadan Shirka Jabuuti ,muuqan waxaana waqtigiisa la qorsheeyey 10-ka bishan oo kubeegan Maalinta Sabtida ee soo socota.
|