Muqdisho, Jimco, May 9 , 2008 Xogta Online
Afhayeenada Ciidamada Booliska iyo Maxkamadaha Islamka ee Somalia ayaa waxaa midba mid kale sheegtay in dagaalkii shalay galinkii dambe ka dhacay degmada Waabari ay ka soo hooyeen guulo iyadoo saakay xaaladu tahay mid degan.
Dagaaladii shalay galinkii dembe ka dhacay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa Afhayeenada Booliska DFKM iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ay ku kula sheegteen in ay guulo midba midka kale uu ka gaaray.
Afhayeenka Ciidamada Booliska DFKM C/laahi Cumar Ibraahim (Shac shac ) ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Wabari ay qasaaro u geysteen kooxihii shalay Weerarka ku soo qaaday Saldhaiga, waxaana uu sheegay in ay ka dileen ilaa 5 Ruux sedax kalena ay qabteen sida uu hadalka u dhigay,waxa uuna qirtay in dagaalkaasi ay uga geeriyoodeen laba ka tirsan askarta Ciidamada booliska ee saldhiga degmada waabari.
Sidoo kale Afhyeenka Ciidamada Midawga Maxkmadaha islaamka Cabdi raxiin Ciise Cadow ayaa Saxaafada u sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 8 ka tirsan Ciidamada booliska islamarkaana ay gubeen laba gawaari uu sheegay in ay la haayeen Ciidamada Booliska sida uu hadalka u dhigay,waxaan cabdi raxiin uu qirtay in dagaalkaasi dhankooda uu ka geeriyooday hal Ruux isagoona sheegay in ay La wareegeen gacan ku haynta Saldhiga degmada Waabari oo ay markii dambe ay ka baxeen.
Macadda ilaa iyo hadda Cid Cadeyn karta oo ka madax baanaan Labada Dhinac Guulaha ay Sheeganayan Labadaasi Afhayeen.
Dagaalkii Shalay ka dhacay degmada waabari ee u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo kuwa Maxkamadaha islaamka ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad rayid ah iyo qasaaro soo gaaray labada dhinac oo si rasmi ah aan loo xaqiijin karin.
Xaalada degmada Waabari oo shalay galinkii dambe uu ka dhacay dagaal laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa saakay degan,waxaana Caadi ku soo laabtay dhaq dhaqaaqii ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka Bl-ka waxaana saakay Saldhiga degmada Waabari ku soo laabtay cidamadii Booliska iyo kuwa kale oo aad u farabadan oo ku sugnaa goobihii shalay dagaalku ka dhacay.
|