bayaan “SRFS”, Jimco, May 9 , 2008 Xogta Online
Walaalayaal waxaa inoo sharaf ah in qof walba oo muwaadin Soomali ah uu la socdo marxalada aan maanta mareyno, waxaan joognaa qarni Soomaalida xaquuqdeeda lagu tunto.
Waxaa laga yaabaa in walaalaheena badan eey la socon waxaan marka dhihi lahaa marka hore ha aqristeen maqaalka uu qoray safiirka oo ah mid aan loo dulqaadan karin. Waa kan linkihii ee ka aqriso.
http://www.realtid.se/ArticlePages/200804/29/20080429180348_
Realtid640/20080429180348_Realtid640.dbp.asp
Safiirku wuxuu waraysiga ku sheegay in dadka swedishka ah ee asalkodu soomalida yahay ay wada yihiin argagixiso ayna ku nool yihiin lacagta Bidragga, taasoo aysan siin qoysaskooda ee ay toos ugu diraan kooxo aragagixiso.
Hadalada safiirka oo aan wax raadraac lahayn haba yaraatee waxay meel kaga dhacayasaa qaanuunka xoriyadda hadalka, iyo nidaamka xeerinaya xasaanadda diplomaasiyadda ee safiirnimo ( Diplomatic immunity).
Safiirku wuxuu ka been abuuray dawladda Sweden asagoo sheegay inay go’aaimisay inay wada xidheen soomalida dalkan ku nool oo wada argagixiso ah, ayadoo aysan jirin haba yaraatee go’aan dawladda Sweden ka soo baxay kalase garan la’ shaqada hay’adaha nabad gelyada iyo Dawladda Sweden. Safiirka wuxuu u soo wareejiyay dalka Sweden colaaddii soo jireenka ahayd ee ka dhaxaysay Somalia iyo Ethiopia, asagoo ku xadgudbay xuquuqda dad swedish ah oo nabad jecel waddankoodana uu marti ku yahay.
Haddaba, Uruurka isbahyasiga Somalida oo matala Swedish-somali oo ka mid ah qowmiyadaha ugu tira badan ee dalkan ku nool wuxuu dawladda Sweden ka codsnay in ka xayuubiso xasaanadda diplomaasiyadeed safiirka dalka Ethiopia u fadhiya stockholm, maadaama uu aflagaaddo aan sal lahayn u gaystay dad Swedish uuna caddayn ka bixiyo go’aan ay dawladdeenu ka gaartay inay somaalida talaabo laga qaado.
Waxaan wareysi siinay Idaacada SR ee sweden oo aan u sheegnay in aflgaadadaas ka xunahay iyo waliba joornaalkii qoray maqaalka.
Waxaan sidoo kale jawaab ka sugeynaa wasaarada arimaha dibeda in talaabo ka qaaddo:
been abuurka uu safiirku ku sameeyay go’aan aysan dawladdeennu gaadhin.
In uu soo caddeeyo meel ka dhaca uu u geystay dad badan svenska-somalier ah oo wada shaqaysta canshuur bixiyayaalna ah oo ku tilmaamay inay wada shaqaysan uuna caddeeyo argagixisinimada uu ku wada sheegay dhamaan dad u dhashay waddan uu marti u yahay.
Ururka Isbaheysiga Umada Soomaaliyeed “SRFS”
|