Jabuuti: Xubnaha Isbahaysiga Dib U xoreynta oo diidey in ay isku Hotel degaan xubnaha ka socda DF.

Djabuuti, Sabti, May 10 , 2008 Xogta Online

Waxaa magaalada Jabuuti soo gaaray wafdigii ugu horeeyey ee ka socday isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed oo u yimid wadahadalii la rabay in ay dhexmaraan ARS waa isbahaysiga iyo UN ka, laakiin waxaa soo gaaray Saxaadfada in hadda la rabo si loo kala jebiyo Isbahaysiga in la yiraahdo waxaa la qabanayaa Xaflad oo lagu furaayo wadahadalada oo meel la isugu geeyo Labada garab Siyaasadeed ee dalka siyaasadiisa isku haysta oo kala ah DFKM iyo Isbahaysiga wadaniga ee u taagan dib u Xoreynta Soomaaliya.

Xubnaha Isbahaysiga ee ku sugan magaalada Jabuuti ayaa si kal furan gacanta ugu dhuftay shirqoolkaas iyagoo u sheegay, sida sharciga waafaqsan in ay ahayd wixii loogu soo heshiiyey Nairobi oo ay u yimaadeen Jabuuti in ay wadahadalo la galaan UNka iyo Bulshada caalamka madaxdooda inta ka joogta.

Waxayna si cilmi ah u sheegeen in uu ka soo horjeedo Dastuurka Isbahaysiga oo leh wax wada hadal ah lama galayno DFKMG inta dalka Ciidamada caddowga joogaan, laakiin wuxuu dastuurka qabaa "in aan la kullano lana fadhiisano cid kasta oo danaynayso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya oo ay ugu horeyso UNka iyo Bulshada caalamka intooda Soomaaliya danaynaysa wanaageeda."

Waxaa kaloo warku nagu soo gaaray in la damcay shalay xubnihii ugu horeeyey ee Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed markii ay soo gaareen Jabuuti in la dejiyey Hoteelka Caalamiga ah ee magaaladaas ku yaalo, markey ogaadeen Xubnaha Isbahaysiga in Hoteelkaas uu yahay midka shirka ka dhici doono, labada garab dadka ka socdana la soo dejin doono ayey ka soo guureen iyagoo sheegay in uusan waafaqsanayn dastuurka isbahaysiga in ay meel la degaan ama la fadhiistaan "dabadhilifyada caddowga", waa sida warku nagu soo gaaray, wararkan oo si hoose inooga soo gaaray dad si aad ah ugu dhow dhow arrimaha iyo wadahadalda Jabuuti ka dhacaayo.

Ilaa iyo hadda waxaan la garanayn Xubnaha matalayo Isbahaysiga oo la sheegay in ay yihiin dad aad u heer sareeyo aqoon iyo garasho siyasadeedba leh balse aan lagu arag meelaha la isugu yimaado, Hoteel khaas ahna la dejiyey sida warku nagu soo gaaray.


Abdifitahaam Ahmed
Jabuuti
Email:abdifitahaam@yahoo.com


Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com