Muqdisho ,Sabti, May 10 , 2008 Xogta Online
Cabasho balaaran ayaa ka soo yeeraysa darawalada gaadiidka Bl-ka ah, iyagoo darawalada gaadiidka ay sheegayaan inay dhibaato ku qabaan inay xirnaato wadada wadnaha.
Wadada wadnaha ayaa xiran shalay iyo maanta kadib markii halkaasi ay dagaalo ku dhexmaraan ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Wadadaasi ayaa ah wado ay adeegsadaan gawaarida Bl-ka ee isaga kala goosha Wadada Sanca iyo Suuqa Bakaaraha, sidoo kale waxaa wadadaaasi adeegsada gaadiidka aada KM4, iyadoo wadadaasi ay tahay wadada ugu isticmaalka badan.
Darawalada gaadiidka ayaa dhib ku qaba inay xiranto wadadaasi, waxaana timaada markii ay wadadu xiranto, waxayana darawalada ka cabanaayaan xirnaashaha wadadaasi.
Dhinaca kale wadadaasi ayaa waxaa kale oo ka cabanaaya dadweynaha adeegsada maritaanka wadadaasi, iyadoo dadweynaha ay wadadaasi ku jecl yihiin inay tahay mid fudud.
|