Muqdisho ,Sabti, May 10 , 2008 Xogta Online
Qarax aad u xoogan ayaa barqonimadii maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay gaari Booyad oo ciidamada Ethiopia ay leeyihiin.
Xiriir Saxaafada ay la sameysay qaar ka mid ah dadka deegaanka waxay inoo xaqiijiyeen in gaarigaasi Booyadda bur bur soo gaaray, ka dib markii qarax oo ahaa miino goobaha fog fog lala beegsaday.
Qaraxa ka dib ayaa ciidamada Ethiopia ee qaraxa lagu weeraray hareeraha goobta waxay bilaabeen dhaq dhaqaaq baaritaano ah, iyagoona rasaas fara badan ooda ka qaaday.
Si kastaba, xaaladda Isgoyska Towfiiq ee waqooyiga magaalada Muqdisho haatan waa ay degan tahay, mana ahan markii ugu horeysay oo qarax sidan oo kaleeto ciidamada Ethiopia halkaasi lagula beegsado.
|