Djabuuti, Sabti, May 10 , 2008 Xogta Online
Guddoomiyaha Isbaheysiga Asmara oo ku eedeeyay Xuriyad la'aanta Saxaafadda ee kajirta Soomaaliya in ay sababteeda leedahay dowladda Itoobiya iyo kuwa federaalka oo uu sheegay in ay dilaan saxafiyiinta xarumahooduna ay xiraan.
Sheekh Shariif oo arrimo fara badan uga hadlayay barnaamij uu habeenkii xalay uga qeyb qaatay TV-ga Aljazeera ayuu kusheegay in Xoriyad la'aanta Saxaafadda ee kajirta gudaha wadanka Soomaaliya ay sabab u yihiin ciidamada itoobiyaanka iyo kuwa dowladda federaalka.
Waxa uu sheegay in saxafiyiin fara badan ay ka barakiciyeen gudaha dalka isla markaana qaarkood ay dileen halka kuwa kalena ay dhaawaceen, waxaana intaasi u sii dheer in maalin waliba ay weeraro isdaba joog ah ku qaadaan xarumaha warbaahinta madaxa banaan ee ka hawlgala gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
Mar wax laga weydiiyay sababta ay ula dagaalami waayeen Ciidamada Itoobiyaanka isla markaana loo ogaan kari waayay khasaaraha Itoobiyaanka soo gaara ayuu sheegay in ay si waliba ula dagaalamaan Itoobiyaanka lakin dhibatada jirtaa ay tahay in warbaahinta aysan awood u laheyn in ay helaan xogta dhabta ah ee khasaaraha Itoobiyanka loo geysanayo.
“waxaad ogsoontihiin doraad keliya in illaa 5-gaari oo ay Itoobiyaanka leeyihiin in gudaha wadanka lagu gubay, lakin dhibaatadu waxay tahay warbaahinta uma suuragaleyso in goobahaasi ay sawiro kasoo qaadaan, waayo Itoobiyaanka oo diidaya in khasaarihiisa la arko ayaa tooganaya saxafiyiinta” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Waxa uu xusay xilligii Golaha Maxaakimta ay maamulayeen koonfurta Soomaaliya in Saxaafaddu ay xor aheyd oo xittaa qaarkood dacaayado fara badan ka fidiyay Golaha Maxaakimta inkastoo markii ay soo galeen dalka Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Federaalka ay noqdeen warbaahinta kuwa ugu horeeya ee la bartilmaameedsado.
Warbaahinta Soomaaliya ayaa weli ku guda jira dhibaatooyinka heysta iyadoo dhowaanna warbixin uu soo saaray Xoghayaha guud ee QM uu kusheegay in cid waliba oo warbaahinta dhibaato u geysata lasoo taagi doono Maxkamad si loo marsiiyo waxa ay geysteen.
|