Borama: Maamulaha Telesom oo deeq lacageed gudoonsiiyay askari gurigiisa gubtay, una hambalyeeyay dadka gacanta ka geysanaya dhismaha Madarasada Imaamu Shaabidi.  +Sawiro

Borama ,Sabti, May 10 , 2008 Xogta Online

Xaflad maanta ka dhacday xarunta Shirkada Telesom ee magaalada Borama ayaa deeq lacageed lagu guddoonsiiyay askari gurigiisa dhawaan ku gubtay magaalada Borama.



Maamulaha Shirkada Telesom ee gobalka Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa sheegay inay saaka barqanimadii ay xafiiskiisa kusoo booqday Taliyaha qeybta bariga isla markaana ugu waramay in askari kamid ah saldhigaasi guri ku gubtay.

Cabdiqaadir waxa uu sheegay in askarigaan gurigiisa oo dhami gubtay isla markaana Masaajidyada magaalada oo dhan laga sheegay dadkana ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu kaalmeyn lahaayeen askarigaan u taagan difaaca shacabka ee khasaaraha soo gaaray.



"Askarta waa saaxiibka dadweynaha, sidaasi darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada reer Borama kuwa gudaha ku dhawan iyo Jaaliyadahaba inay askarigaan dhibaatada xoogani ku dhacday gurigiisana gubtay ay gacanta usoo fidiyaan" ayuu yiri Cabdiqaadir Aadan Nuur.

Maamulaha waxuu sheegay in shirkada isha ay ku heyn doonto askarigaan xaaladiisa, isla markaana dadaal ay u gali doonaan sidii askarigaan dib u dhisan lahaa gurigiisa oo gabi ahaanba gubtay.



Waxaa xafladaasi ka hadlay Taliyaha qeybta bariga ee Borama waxuuna u mahadceliyay Maamulaha Telesom ee Borama oo sheegay inay ka filayeen deeqda noocaan oo kale ah.

Waxa uu sheegay inay saaka markii ay soo aadayeen Telesom Borama filayeen inay deeq ka heli doonaan maamulka shirkada oo mar walba u taagan taakuleynta shacabka Awdal ee dhibaateysan gaar ahaan shacabka danyarta ah.



"Cabdiqaadir Alle ayaan ajir ugu baryeynaa, waana nin aad u wanaagsan xasuusna ku lahaan doona gobalka oo dhan, waana nin mar walba ku dadaala gacan qabashada danyarta" ayuu yiri Taliyaha qeybta bariga ee magaalada Borama.

Dhinaca kale, Maamulaha Telesom ee gobalka Awdal Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa u mahadceliyay dadweynaha lacagta ugu deeqay dhismaha madarasada Imaamu Shaabidi ee Taxfiidka Qur'aanka Kariim.

Waxa uu sheegay in nin Carab ah oo ku dhaqan dalka Switzerland laguna magacaabo Cabdinaasir inuu soo diray lacag gaareysa $300 Dollar, kaaso hore usoo diray lacag gaareysay $500 Dollar.

Maamulaha waxa ugu baaqay dadweynaha gaar ahaan Jaaliyadaha dibadaha ku dhaqan inay gacan ka geystaan dhismahada Madarasada Imaamu Shaabidi oo uu sheegay inay Aakhiro iyo Adduunka wax u tari doonto kaalmo ay ka geystaan goob Diin Islaamka lagu baranayo.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulaha Shirkada Telesom ee G/Awdal C/qaadir Aadan Nuur ayaa inta badan u danqata arrimaha gobalka, isagoo lagu xasuusto inuu arrimo badani soo fakiray gaar ahaan dhismahada Wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo iminka loo sameeyay Urur ARNA la yiraahdo oo dhismaha wadadaasi ka qeyb galaya.

C/qaadir ayaa inta badan waqtigiisa ku dhumiya latashiyo uu la sameeyo Ganacsatada gudaha Borama ku dhaqan iyo Jaaliyada dibadaha isagoo ka dhaadhiciya sidii ay gacmaha is qabsan lahaayeen isla markaana gobalkooda u horumarsan lahaayeen.

C/qaadir ayaa inta badan jecleyn in lagu ammaano wax qabadkiisa ku aadan gobalka, isagoo jeebkiisa ka dabara inta badan howlaha loogu soo baahdo ee horumarka gobalka ku aadan.

Maamulaha Telesom ee G/Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa lagu xasuustaa sidii uu magaalada Borama ugu soo dhaweeyay dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo qaxay magaalada Muqdisho kadib markii ay halkaasi dagaalo culus ku dhex mareen Dowlada KMG ah Somalia iyo Mucaaradka.

Isku soo duuboo, Gobalka Awdal ayaa waayadii ugu dambeeyay ka socdeen howlo horumarneed taasoo ay wadeen Ganacsatada gudaha gobalka ku dhaqan iyo Jaaliyada dibadaha ku dhaqan oo go'aansaday inay gobalkooda horumarsadaan.

AbdiAziz Mohamed Elmi
Email:xaaji7777@hotmail.com

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com