Kolonyo uu lahaa Mid ka mid ah Wasiirada DF oo lagu weeraray Shabeelaha Hoose.

Sh.hoose ,Sabti, May 10 , 2008 Xogta Online

Kolonyo baabuur ah oo uu lahaa Wasiirka Maaliyada dawlada faderaalka ayaa maanta lagu weeraray gobalka shabeelaha hoose, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Baydhabo.

Gaadiidka la weeraray oo uusan la socon wasiirka ayaa la sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dawlada ay ku weerareen inta u dhaxeysa Deegaanka Leego iyo Yaaqbariweyne.

Ciidamada la socotay gaadiidkaas ayaa iska caabiyay weerarka, hase ahaatee markii dambe laga itaal roonaaday, oo lagala wareegay labo gaadiid.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Shabeelaha hoose Mr Cali Ganey ayaa sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dawlada u suura gashay in ay qabsadaan labo gaari, isagoona qiray in dhimasho iyo dhaawac ay soo gaartay askarta la socotay gaadiidkaas.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamo boolis ah ay gaareen goobta uu ka dhacay weerarka, iyagoona daba galay kooxihii wadada u galay.

Wadada isku xirta Wanla-weyn iyo Buur-hakaba ee ka kala tirsan Shabeelaha hoose iyo Baay waxaa ka dhacayay weeraro lagu qaadayay gaadiidka ciidamada dawlada iyo kuwa Itoobiya ee ku sii jeeda Magaalada Baydhabo, mana muuqato ilaa iyo hada talaabo kooxahaas wadada u galay laga qaaday.

Labada Maamul ee ka kala taliya deegaanadaas ayaan laheyn iskaashi dhinaca amaanka, waxaana horay u jirtay cabsi ay qabeen dadka ku safra wadadaas oo ay ku dhibaateynayeen kooxo kale oo burcad ah.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com