Max'ed Dheere oo sida ugu dhaqsiyaha badan lagu faray in Hubkiisa uu ku wareejiyo Gudiga amaanka qaranka.

Muqdisho ,Sabti, May 10 , 2008 Xogta Online

Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Max'ed cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha lagu faray inuu hubkiisa ku wareejiyo Gudiga amaanka qaranka.

Sida ay Saxaafada u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Xafiiska Raysal wasaaraha waxaa lagu sheegay in Max'ed Dheere sida ugu dhaqsiyaha badan uu Ciidamadiisa, Hubkiisa iyo gaadiidka dagaal ee uu leeyahay ku soo wareejiyo, taasoo ka dambeysay kulamo xoogan oo maalmahan ay yeelanayaan Raysal wasaaraha iyo Gudiga amaanka qaranka.

Max'ed Dheere oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii soomaaliya ayaa haatan ah Hogaamiyaha Gobalka banaadir ee ugu hubka badan, waxaana tallaabadan hubka loogaga dhigayo qeyb ka tahay howlaha xukuumada dooneyso in ay u qaado sugida dhinaca amaanka.

Qorshaha hubka dhigista ah ayaa lagu macneeyay mid wax weyn ka tari karta xaaladaha amaan daro iyo dhaca ay ku kacaan Ciidamada gaarka loo leeyahay, taasoo dhowr jeer oo hore dacwado la gaarsiiyay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Kuma koobna hubka dhigista lagu sameynayo Max'ed Dheere oo kaliya, waxaa ku lifaaqan kuxigeenadiisa Dhinacyada Nabadgelyada iyo Arimaha Bulshada ee Maamulka gobalka Banaadir.

Hubkan iyo gaadiidka dagaalka ayaa lagu xareyn doonaa Xarunta Schol Plozio, waxaana ciidamadan maamulka gobalka oo u badan kuwo beeleed laga dhigi ciidamo qaran oo isku dhaf ah.

Dhowaan ayay aheyd markii Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Max'ed Geedi hubkiisii iyo ciidamo gaar u ahaa lagala wareegay, taasoona ciidamadiina loo diray tababar, halka hubkiina lagu xareeyay xarunta ciidamada amaanka qaranka.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com