Muqdisho ,Sabti, May 10 , 2008 Xogta Online
Inta la ogyahay 10 ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay dagaal culus oo goor dhoweyd ka bilawaday agagaarka Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee waqooyiga magalada Muqdisho.
Dagaalkan waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo xoogaga hubeysan oo kasoo horjeeda, iyadoo labada dhinac hubka nuucyadiisa kala duwan ay isku adeeg sanayaan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda wali ay tahay mid cakiran, isla markaana xaafadaha kale ee halkaasi ku dhow dhow rasaasta si xoogan looga maqlayo.
Barqonimadii saaka ayay aheyd markii qarax miino gaari Booyad ah oo ciidamada Ethiopia ay leeyihiin nawaaxiga Isgoyska Towfiiq lagula beeg saday, inkastoo wali qasaarihii halkaasi ka dhashay si rasmiga ah loo xaqiijin.
|