Beledweyne, Axad, May 11, 2008 Xogta Online
Waxaa saaka xayiran dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo isku socodkii dad weynaha ee wadada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ay xireen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia.
Lama oga sababta ka dambeysay xirnaanshaha wadadan, halkaasoo lagu arkayo ciidamo ka tirsan ilaalada xarunta madaxtooyada oo Askarta Ethiopia halkaasi ay ku wehliyaan.
Warar ayaa sheegaya in wafdi uu horkacayo madax weyne C/llaahi Yuusuf uu ku soo jeedo magaalada Muqdisho, isla markaana la filayo in goor dhoweyd uu kasoo dago garoonka Muqdisho.
Inta badan wadada dheer ee isku xirta Xarunta madaxtooyada iyo Air Port-ga ayaa hakad la galiya, marka wafdi Muqdisho uu ku soo jeedo, si ammaanka loo adkeeyo.
|