Afgooye, Axad, May 11, 2008 Xogta Online
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Sh/hoose Cali Aadan [Cali Ganay] ayaa sheegay in la isku halayn karo nabadgelyada ka jirta gobolka Sh/hoose, wuxuuna sheegay in dhacdadii ka dhacday shalay deegaanka carmoole ee u dhaxeeya Yaaq Beri weyne iyo Bali Doogle, halkaas oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Wasiirka Maaliyada iyo lacagta iyo dhacii loo geystay labada gaari ee wasiirkaasi lahaa.
Taliye Cali Ganay waxa uu sheegay inuu isagu tagay goobta dagaalku ka dhacay, islamarkaana uu isagu halkaasi ka soo qaaday maydadkii iyo dhaawacyadii dagaalkaasi ka dhashay, wuxuuna muujiyay inay eryadeen kooxihii falkaasi fuliyay oo uu sheegay inay si dirqi uga baxsadeen.
“Ammaanka Gobolka Sh/Hoose waa mid la isku halayn karo, meel aanan ka dagaalami karina ma jirto” ayuu yiri taliye Cali Ganey oo sheegay inay ciidamadooda ay sugayaan gebi ahaan ammaanka Gobolka sh/hoose.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay Diyaar u yihiin inay ka hortagaan dahaq dhaqaaqyada Al-shabaab ay ka wadaan Gobolka Sh/hoose, wuxuuna sheegay inay dabagalayaan kooxihii dhacay gaadiidka Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta, islamarkaasna laayay Ilaalada wasiirka.
Ciidamada Gobolka Sh/hoose ayaa goobta dirirtu ka dhacaday gaaray kadib markii ay halkaasi ka baxeen kooxihii weerarka ku qaaday gawaarida wasiirka oo iyagu xiligaasi u socday magaalada baydhabo oo fariisin u ah inta badan Xubnaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha oo iyagu fariisinkoodu yahay magaalada Muqdisho. |