Beledweyne, Axad, May 11, 2008 Xogta Online
Wararka ka imaanaya Magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay gudaha u galeen magaalada B/Weyne, iyagoo weliba halakaasi ka sameystay fariisimo cusub oo ay ka waardiyaynayaan magaaladaasi.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa magaalada B/Weyne gaaray fiidnimadii xalay, waxaana markii ay galayeen magaaladaasi la maqlayay rasaas xoogan, iyadoo aan la ogayn xabadahaasi cida lagu ridayo iyo kuwa ridayaba ayay wararka qaar sheegayaan inuu ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolkaasi Cabdi Xuseen Geedi oo isagu ka soo laabtay magaalada Feer Feer ee xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya ku taala.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in xalay uu gaaray magaaladaasi Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar [Dabageed], waxaana la hadal hayaa in hubkii uu lahaa dabageed ay ka qaadeen Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Gobolkaasi.
Dhinaca kale waxaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaaladaasi Gudoomiyaha cusub ee dhawaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u magacowday gobolkaasi, iyadoo la sheegayo in asbaabta ay ciidamada Itoobiyaanka u tageen Gobolkaasi ay tahay sidii ay gudoomiyahaasi cusub ula shaqeyn lahaayeen inta uu kula wareegayo maamulka Gobolka oo idil, iyadoo ciidamada Itoobiyaanka ay ku wareejin doonaan Hubkii ay ka qaadeen Yuusuf dabageed. |