Jabuuti, Axad, May 11, 2008 Xogta Online
Wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Somalia Ahmedou Ould-Abdallah oo maanta shir jaraa'id ayaa faahfaahin ka bixiye natiijada kula is arag ah oo uu gooni gooni ula sameeyey gudiyada ka kala socda Dowladda Federalka iyo Isbaheysiga Mucaaradka ah.
Danjriruhu waxa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in shirka uu qabsoomo Saacadaha soo socdo, isaga oo meesha ka saaray in madmadowga jira dartii uu kulanka dib u dhac ku imaan karo.
Rajadan uu muujiyey Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa shacabka Soomaaliyeed ku sii beertay rajo wanaagsan oo ay ka qabaan in shirkaasi ay ka soo baxaan miro wax ku ool ah.
Inkastoo xubnaha ka qeybgalaya kulankan aysan aheyn kuwo miisaan culus ku leh siyaasada Wadanka Soomaaliya hadana waxaa dhinaca kale ififaalo muujinaya in shirkaasi aysan waxba ka soo baxeyn, marka loo eego kala fikrad duwanaasha Xoogagaga hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ah ee Soomaalia .
Shiikh Shariif sheikh Axmed oo ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Somali ayaa sheegay in aysan marnaba hor fadhiisan doonan gudiyada ka socda Dowladda Federaalka ah , waxa uuna ku celceliyey insayn jirin dowlad ay aqoonsan yihiin oo soomaalia ka jira, kaliaya waxa uu yiri waxaan ognahay in wadanka la heysto.
R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen ayaa hadalka ka soo baxay Shiikh shariif ku tilmaamay in uu aad uga xun yahay, waxa uuna difaacay siyaasada Dowladda federalka eek u aadan keenista ciidamada itoobiyaanka ah ee Wadanka Soomaalia.
Si kastaba ha ahaato shacabka soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya nabad la'aan nolol la'aan ayaa u dhegtaagaya natiijo wax ku ool ah oo ka soo baxda shirka jabuuti oo lagu wada In uu ka furmo wadahalada ay Qaramada Midoobay gar wadeenka ka tahay.
|