Qanyare "Gurigeyga Baydhaba waxaa weeraray Ilaalada C/laahi Yuusuf oo doonaya inay madaxa ii galiyaan Al-Shabaab".

Nairobi, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii shalay kooxo hubeysan ay ku qaadeen guriga uu ka degnaa magaalada Baydhaa gaar ahaan xaafada Cadaada.

Qanyare oo isagoo ku sugan Nairobi Saxaafada saaka la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay rag uu soo adeegsaday Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf inay gurigiisa weerar ku qaadan.

Waxa uu sheegay in raga gurigiisa weeraray ay ahaayeen ilaalada qaaska ah ee Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf isla markaana ay aqoonsadeen dadweynaha dariska la ahaa Qanyare.

"Fallkaan waxuu noqon doonaa mid aan ka jawaabi doono af hadii ay ahaan laheyd iyo hadii ay awoodba ahaan laheyd, raga weerarka soo qaadayna waa rag uu soo diray Cabdilaahi Yuusuf, kuna doonayay inaan Al-Shabaab ku eedeeyo" ayuu yiri Qanyare.

Qanyare waxuu sheegay inay Al-Shabaab yihiin Culumaa'idiin doonaya inay dalkooda cadawga ka xoreeyaan isla markaana isaga aysan u qabin wax cadawtooyo ah.

"Odayga ayaa arrintaan ka dambeeyay, balse wuu ku fashilmay maradiisa wey kaga dhacday, balse nin xishooda ma ahan waa waayeel xiligaan ku dagaalamaya qori caaradiisana xal mooday balse isagaa adduun iyo aakhiraba ka shalayn doona" ayuu yiri Qanyare.

Qanyare waxuu sheegay in weerarkaasi ku geeriyooday mid kamid ahaa ilaaladiisa isla markaana ku dhaawacmeen labo kale.

Mar wax laga weydiiyay jawaabta uu ka bixin doono weerarkaasi waxa ay tahay ayuu yiri "Ilama ahan inaan Saxaafada ka booteeyo ama aa ka sheego erayo caay ah nin weyn oo Siyaasi ayaan ahay hadana da'a ah, marka adeer dhawaan iyadaa iska soo bixi doonta Jawaabtaan bixinayee iska war suga".

Maamulka Gobolka Bay oo wax laga weydiiyay weerarka lagu qaaday guriga Xildhibaan Qanyare uu ka daggan yahay Baydhabo ayaa waxay sheegeen inaysan wax war ah u hayn, balse ay baaritaanno sameyn doonaan si ay xog dheeraad ah uga helaan weerarkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka magaalada Baydhaba ee xarunta u ah Barlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay faraha kasii baxayay iyadoo ay kusoo badanayeen, Dilal iyo Qaraxyo lagu qaadayo madax ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.


Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com