Muqdisho, Talaado, May 13,
2008 Xogta Online
Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Col. Cabdilaahi
Yuusuf Axmed iyo Ra段isul-wasaare Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa
maanta kulan albaabada u xirnaa ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa
Soomaliya ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Xukuumada Federaalka Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa Saxaafada u
sheegay inay labada mas置ul ka wada hadleen xaalada dalka uu marayo gaar
ahaan Muqdisho iyo wada hadalada DF iyo Mucaaradka ugu furmay magaalada
Djibouti.
Ra段isul-wasaare Nuur Cadde ayaa ugu warbixiyay Madaxweyne Cabdilaahi
Yuusuf xaalada uu dalka marayo iyo wada hadalada Jabuuti ka furmay
maalinimadii shalay.
Nuur Cadde waxuu sheegay in kadib is qabqabsi labada dhinac ku heshiiyeen
ka qeyb galka shirka Jabuuti, waloow markii hore sharuud aheyd in
ciidamada Ethiopian-ka dalka ka baxaan ay soo jeediyeen Mucaaradka.
Waxa uu sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya
Ahmadu Ould Abdallah uu sameeyay dadaal xoogan oo ku dhex dhexaadinayay
labada dhinac, isla markaana Mucaaradka ka dhaadhiciyay sharuud la誕an
inay miiska wada hadalka soo xaadiraan.
Ra段isul-wasaaraha waxuu sheegay in wafdiga Dowlada Federaalka ka socda
sida weyn loogu soo dhaweeyay Jabuuti isla markaana la dajiyay hotel
wanaagsan, ayna kulamo la yeesheen madaxda Jabuuti iyo xubnaha beesha
Caalamka ka socday ee Jabuuti yimid si ay shirka dib u heshiisinta ugu soo
qeyb galaan.
Nuur Cadde ayaa sheegay in ay Xaalada Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah
tahay mid wanaagsan ,wuxuuse rajo xumo ka muujiyey dagaalada ka soconaya
gobalo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Col. Nuur Cadde wuxuu sheegay in Maamulada gobalada ee dalka Soomaaliya oo
dhan ay ku sameynayaan isbadal dhinaca maamulka ah, si wax looga qabto
dhibaatada amni daro ee ka taagan meelo badan oo ka mid ah dalka
Soomaaliya.
Waxuu tibaaxay in ay ciidamada DF hada ku wadaan dib u habeyn baahsan,
isagoo carabka ku adkeeyey in ay doonayaan in ay waxyaabo badan ka qabtaan
dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha DF Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa siiyay
Ra段isul-wasaare Nuur Cadde warbixin gaaban oo ku aadan safarkiisa wadamo
dhowr ah kusoo kala bixiyay gaar ahaan London iyo Washington.
Waxa uu sheegay inuu halkaasi kula soo kulmay wadamada deeqaha bixiya iyo
Jaaliyadaha Soomaalida ee qurba joogta ah isla markaana kawada hadleen
xaalada dalka uu marayo iyo sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen howlaha
nabad ilaalinta iyo dib u heshiisinta oo ay wado Dowlada Federaalka
Soomaaliya.
Madaxweynaha waxuu sheegay in Mareykanka lacago u balan qaaday DF isla
markaana dhawaan lasoo gaarsiin doono lacagaasi, waloow uusan sheegin
cadadka ay yihiin lacagtaasi.
Si kastaba ha ahaatee, kulanka dhex maray Mas置uliyiintaa ugu sareysa
Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili xaalada Soomaaliya
maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysa isla markaana qeybo badan oo
kamid ah gobolada dalka ka socdaan dagaalo u dhaxeeya DF iyo Mucaaradka.
|