Djibouti, Talaado, May 13,
2008 Xogta Online
Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ahmadu Ould
Abdallah ayaa khudbad xasaasi aheyd shalay ka jeediyay furitaanka shirka dib
u heshiisinta kooxaha Somaalida ugu furmay magaaladaan Djibouti.
Ahmadu Ould ayaa sheegay inay Soomaaliya iminka ku sugan tahay marxaladii
ugu adkeyn abid ee uu soo maro dalka Africa ka tirsan isla markaana loogu
baahan yahay Caalamka inuu indhaha ku hayo xaalada Soomaaliya.
Wakiilka waxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida kooxaha Soomaalida u
go’aansadeen inay shirkaan kasoo qeyb galaan isla markaana lagu dhameeyo
dhamaan khilaafaadka keenay dhimashada kumanaan Soomaali ah sannad gudahiis.
"DF iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, mahadcelin baan usoo
jeedinayaa sida ay shirkaan ugu soo qeyb galeen, waxaana rumeysanahay inuu
shirkaan noqon doono kii Soomaalida ay ku nasan lahaayeen laguna soo af
meeri lahaa dhibaatooyinka muddo soo daashanayay dalka Soomaaliya" ayuu yiri
Ahmadu Ould.
Waxa uu sheegay in Beesha Caalamka loogu baahan yahay inay dhiira galiyaan
shirkaan dib u heshiisineed isla markaana ku canaantaan kooxaha Soomaalida
inay ka mira dhaliyaan ujeedada shirkaan ah ee ah nabad lagu soo dabaalo
Soomaaliya iyo heshiis labada dhinac ku heshiiyaan.
"Qaramada Midoobay diyaar ayay u tahay nabad lagu soo dabaalo dalka
Soomaaliya, taasina waxey tahay hadafka QM ee ah nabada adduunka, wax kasto
oo nagu qaadatana kama niyad jabi doono nabad kusoo celista Soomaaliya" ayuu
yiri Mudane Ahmadu Ould.
Sidoo kale, Xafladii furitaanka shirkaan waxaa ka hadlay Wakiilo ka kala
socday Midowga Yurub "EU", Midowga Africa "AU", Jaamacada Carabta iyo wadamo
badan oo arrimaha Soomaaliya isha ku haya.
Dalka Djibouti oo kulankaan lagu qabanaayo furitaankii shirka ee shalay
waxaa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Djibouti waxuuna sheegay inay
diyaar u yihiin ka mira dhalinta shirkaan dib u heshiisiineed.
Waxa uu Wasiirka ugu baaqay kooxaha Soomaalida ee ku hardamaya awooda dalka
inay shacabkooda u turaan isla markaana gaaraan heshiisyo nabada Soomaalida
dib loogu soo celiyo.
Waxa uu sheegay inay Jabuuti dhowr jeer qabatay shirar lagu heshiisiinayo
Soomaalida gaar ahaan shirkii Carte ee lagu dhisay dowladii TNG-da ee
Madaxweynaha ka ahaa Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan isla markaana ay ka socon
weysay dowladaasi hogaamiyaal Soomaaliyeed oo iminka shirkaan ku sugan.
Waxa uu sheegay in Beesha Caalamka aad u daneyneyso nabada Soomaaliya, isla
markaana loogu baahan yahay inay Soomaalida ka faa’iideystaan fursadaan
Caalamka oo dhan diyaarka ula yahay.
"Djibouti habeen iyo dharaar waxey taagan tahay nabad kusoo celinta dalka
Soomaaliya si ay walaalaheen Soomaaliyeed nabad u heleen, sidaadi darteed
hogaamiyaasha shirkaan kasoo qeyb galay ee Soomaalida ah waa inay ummadooda
dhibaateysan eegaan iskuna qabqabsan xilal iyo waxyaabo aan dan ugu jirin
shacabka" ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Djibouti.
Si kastaba ha ahaatee, furitaankii shirkaan ayaa is qabqasi keenay kadib
markii Mucaarad ay diideyn ka qeyb galay shirka iyagoo Djibouti ku sugan,
waloow markii dambe wada hadalo Mucaaradka lala yeeshay laga dhaadhiciyay
inay shirka kasoo qeyb galaan.
Abdifitahaam Ahmed
Djibouti
Email:abdifitahaam@yahoo.com
|