Saraakiisha Ethiopian-ka oo hub dhigis ku sameeyay Sheekh Aadan Madoobe, Shaatigaduud iyo Xaabsade.

Baydhaba, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online

Kulan xarunta Madaxtooyada ee Baydhaba ku dhex maray Saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka iyo mas'uuliyiinta kala ah Guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Wasiirka Gaadiidka Xaabsade iyo Xil. Shaatigaduud ayaa hubkii loogula wareegay saddexdaasi mas置ul.

Illo-wareed kulankaasi ka qeyb galay ayaa Saxaafada u sheegay in Saraakiisha Ethiopian-ka ugu baaqeyn saddexdaasi mas置ul inay kusoo wareejiyaan hubkooda gaar ahaan hubka waa weyn sida Teknikada iyo Qoryaha ku xiran isla markaana ay siin doonaan maleeshiyo u gaar ah oo ilaalin doonta iyo hub cadadeysan.

Saddexdaan mas置ul ayaa la sheegay inay kadib kulankaasi xarunta Madaxtooyada Baydhaba keeneen dhamaan hubkoodii iyo gaadiidka dagaalka isla markaana gacanta ka saareen saraakiisha Ethiopian-ka, lana siiyay mid kasta 7 askari oo ilaalin doonta iyo hubka u badan qoryaha fud fudud ee AK47-ka.

Xiriir aan la sameynay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayuu ku sheegay arrintaasi mid ammaanka gobalka lagu sugayo.

Waxa uu sheegay inay muddooyinkii ugu dambeeyay ammaan xumo ka wadeen gudaha Baydhaba maleeshiyaad ilaalo u ah qaar kamid ah Mas置uliyiinta DF, isla markaana la go誕ansaday in hubka Mas置uliyiinta laga soo wareejiyo lana siiyo hub iyo ilaalo cadadeysan oo lagula xisaabtamo.

"Aniga aad baan ugu faraxsanahay hubka la iga qaaday, hubkeygana waxaa lagu xareeyay xarunta Madaxtooyada Baydhaba, xiligaan doona ayaana soo qaadan karayaa, arrintaana waa mid ammaanka lagu adkeynayo, mas置ul kastana hubka loogu qaadi doono, aniga ayaana horjeed u noqday marka laga reebo maamulka G/Banaadir oo iyaga lagu bilaabay" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha Ethiopian-ka ee dalka Soomaaliya ku sugan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday qorshe ay hubka ugu qaadanayaan mas置uliyiinta DF ka tirsan kuwaasoo ay ku eedeeyay inay ammaan darada Soomaaliya ka jirta mas置ul ka yihiin.
 

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com