Afhayeen Axmed Diiriye "Shacabka waa inuu maamul ka madax banana DF sameystaa".

Djibouti, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Odoyaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dhistaan maamul ka madax banaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Axmed Diiriye waxuu sheegay inay DF ka fashilantay sugida ammaanka dalka isla markaana loo baahan yahay inay shacabka dhexda marada ku xirtaan oo ay dalkooda nabadeystaan.

Waxa uu yiri " Degmada Cadaado shalay maamul ka madax banaan DF ayaa loogu dhawaaqay, aad baana u soo dhaweyneynaa degmo kastana waa inay maamul sameystaa oo amaankeeda sugataa".

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay Odoyaasha Hawiye diyaar u yihiin inay dadweynaha kala taliyaan maamulada ay sameysanayaan isla markaana maamuladaasi uu rumeysan yahay inay wax badan ammaanka ka badali doonaan.

"DF waxba ma tarto, sida meelaha loogu hadlo ayay mas’uuliyiintooda yaqaaniin, shacabkana dan uma hayaan, waana inay shacabka dantooda gartaan" ayuu yiri Axmed Diiriye.

Dhinca kale, Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay inuusan isaga rumeysaneyn in wax weyn kasoo bixi karaan shirka Jabuuti shalay ka furmay ee DF iyo Mucaaradka lagu heshiisinayo inta ay gudaha dalka ku sugan yihiin ciidamada Ethiopian-ka.

"Ethiopian-ka waxaan rumeysanahay inay dhawaan sameyn doonaan falal waxuushnimo ah taasina ay ka careysiin doonto Mucaaradka shirka ku sugan, shirkana uu sidaasi ku fashilmi doono" ayuu yiri Diiriye.

Afhayeenka waxuu sheegay inay Ethiopian-ka ogoleen heshiis ay gaaraan Soomaalida isla markaana hadii heshiis la gaaro iyaga daaqa ka baxayaan, sidaasi darteedna ay sameynayaan wax kasta oo ay Soomaalida heshiisyadooda ku burburin karaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Afhayeenka ayaa kusoo beegmaya xili gobolo ka tirsan Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyay laga waday dhismaha maamula ka madax banaan DF gaar ahaan gobalka Gedo iyo Jubbada Dhexe.

Abdifitahaam Ahmed
Djibouti
Email:
abdifitahaam@yahoo.com

 

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com