DF oo inta badan ciidamadeeda ka bixisay magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online


Gudi dhawaan DF ay magacowday oo ah Gudiga dib u habeynta iyo qalabeynta ciidamada ayaa soo jeediyay in ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya laga bixiyo intooda badan caasimada dalka ee Muqdisho.

Wasaarada Gaashaandhiga DF ayaa soo saartay amar lagu bixiyo inta badan ciidamada Dowlada KMG ah ee Muqdisho ku sugan, iyadoo la gala geynayo gobolada Bay, Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Wasaarada ayaa sheegtay in ciidamadaan tababar halkaasi lagu soo siin doono si ay ammaanka caasimada Muqdisho qeyb weyn ugu ciyaaraan isla markaana madaxda DF ay amarkaan wax ka og yihiin.

Sarkaal ka tirsan DF oo lagu magacaabo Col. Dhimbil ayaa Saxaafada u sheegay in ciidamadaan aysan tababar ku filan soo qaadan isla markaana u dhaqmayaan sida maleeshiyo beeleedyada oo kale lana go’aamiyay in tababar lasoo siiyo laguna soo baraarujiyo xilka ay hayaan waxa uu yahay.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo daraad laga dareemayay howshaan ciidamada dibada loogu bixinayo, iyadoo dadweynaha aad usoo dhaweeyeen arrintaan.

Ganacsade Mukhtaar Axmed Xasan oo kamid ah ganacsatada ugu waa weyn suuqa Bakaaraha ayaa Saxaafada u sheegay in gudiga Ganacsatada aad arrintaan usoo dhaweynayaan isla markaana ay filayaan in ammaanka caasimada wax weyn iska badali dooni.

"Ciidamadaan waxey ahaayeen kuwa qalaaso ka waday Muqdisho, isla markaana dhac iyo dil bareer ah geysana jiray, iyagoo u dhaqmi jiray sida maleeeshiyo beeleedyadii oo kale, aad baana usoo dhaweyneynaa arrintaan" ayuu yiri Ganacsade Mukhtaar Axmed Xasan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ganacstada gobalka Banaadir diyaar u yihii inay dhinaca dhaqaalaha ka taageeraan ciidamadaasi sidii tababar ku filan loo siin lahaa, waxuuna ku baaqay in waddooyinka Muqdisho laga wada qaado ciidamada oo ay ciidamada ku ekaadaan oo kaliya xarumaha Dowlada KMG ah.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan ciidamada DF ee Muqdisho ka howl-gala ayaa geysta falal aad u fool xun oo ay kamid yihiin dhac iyo dil bareer ah oo ay shacabka u geysanayaan, taasoo aysan ka hadli jirin madaxda DF oo indhaha oo kaliya ka eegan jiray dhibaatooyinka ciidamadooda ay geysanayaan.

 

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com