Baardheere, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online
Wararka ka imaanaya xarunta gobalka Gedo ee Baardheere ayaa sheegaya inay halkaasi soo gaareen Mas'uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasoo sheegay inay halkaasi kula dagaalami doonaan ciidamada Ethiopian-ka.
Saraakiishaan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ka tirsan ee muddooyinkaan la shaacinayay inay Gedo ku sugan yihiin ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha ku dhaqan Gedo, iyagoo ugu baaqay inay dagaalka dhinac kasoo galaan isla markaana dalkooda ka xoreystaan ciidamada Ethiopian-ka.
Lama sheegin ilaa iminka magacyada mas'uuliyiintaan Isbaheysiga dib u xoreynta ka tirsan ee Gedo ku sugan waayadaan, iyadoo lasoo warinayo inay wataan ciidamo boqolaal gaaraya iyo gaadiidka dagaalka oo aad u fara badan.
Degmada Buur-dhuubo oo ay gaareen ciidamadaan ayaa waxay kula hadleen dadka rayidka ah ee halkaas ku dhaqan, iyagoo u sheegay inay damacsan yihiin inay la dagaalamaan ciidamada Ethiopia oo ku sugan Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.
Shacabka Gobolka Gedo ayaa waxay dareen xoogan ka muujiyen dhaqdhaqaqyada ay ka wadaan Gobolka xoogagga taabacsan Maxkamadaha, iyadoo cabsida weyn ka muujiyay dagaallo harqiya Gobolka.
Ciidamo Ethiopian ah ayaa ku sugan degmada Luuq ee Gobolka Gedo iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan, waxayna dagaallo ka dhaca ay saameyn ku yeelan karaan dadka Gobolkaas oo ay daashadeen abaaro iyo dagaal beeleedyo.
Si kastaba ha ahaatee, Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq xoogani ka wado gobolada ka tirsan dalka Soomaaliya gaar ahaan Hiiraan, Banaadir, Shabeelaaha Dhexe, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
|