Kismaayo, Talaado, May 13,
2008 Xogta Online
Dadweynaha ku dhaqan Caasimada gobalka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa
cabasho xoogan iyo qeyla dhaan ka muujiyay isbaarooyin badan oo gudaha iyo
daafaha magaalada yaala.
Isbaarooyinkaan ayaa waxaa dhibaatooyin xoogani kasoo gaaraa dadweynaha ku
dhaqan Kismaayo kuwaasoo lacago baad loogu qaado isbaarooyinkaasi sida aadka
ugu daadsan gudaha Kismaayo.
Nabadoon Cabdisamad Cali Cabdi oo kamid ah Waxgaradka ku dhaqan magaalada
Kismaayo ayaa Saxaafada u sheegay inay dhowr jeer u qeyla dhaamiyeen
maamulka gacanta ku haya Kismaayo balse waxba laga qaban arrinta
isbaarooyinka.
Waxa uu sheegay inay isbaarooyinkaan yihiin kuwo ay dhigteen ciidamo ka
tirsanaa maamulka Kismaayo gacanta ku haya kuwaasoo gooni isku taagay kadib
markii mishaaraad ay ka waayeen maamulka Kismaayo.
"Maamulka wax badan ayuu arrintaan ka qaban karaa, balse dhagaha ayay ka
fareysanayaan qeyla dhaanta shacabka kasoo yeereysa, waxeyna u eg tahay inay
isbaarooleyda iyo maamulkaba wada shaqeystaan" ayuu yiri Nabadoon Cabdisamad.
Waxa uu sheegay in isbaarooyinkaan intooda badan daadsan yihiin wadada aada
dekada magaalada Kismaayo halkaasoo baad loogu gaado gaadiidka soo daabula
alaabaha Ganacsiga ee dekada kasoo daga loona soo wado suuqa magaalada
Kismaayo iyo gobolada u dhow dhow gaar ahaan Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Saxaafada ka howl-gasha magaalada Kismaayo ayaa xiriiro la sameeyeen qaar
kamid ah maleeshiyaadka isbaarooyinka u yaala magaalada Kismaayo, waxeyna
sheegeen inay arrintaan ka sababtay kadib markii mishaaraad ka waayeen
maamulka magaalada.
Cabdi Dheer nin magaciis kusoo gaabiyay oo kamid ah maleeshiyaadkaan
isbaarooyinka u yaala ayaa sheegay inaysan isbaarooyinkooda qaadi doonin
ilaa shaqo loo abuuro ama laga qeyb galiyo ciidamada maamulka Kismaayo lana
siiyo mishaaraad ku filan.
Waxa uu sheegay inay mararka qaar oo ay waayaan wax lacag ah ay weerar ku
qaadaan ama ay qalaaso ka abuuraan howlaha dekada weyn ee magaalada Kismaayo,
kadib lacago la siiyo.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe waxaa ka arrimiya maamul
beeleed hoos yimaada beesha Sadde, kadib markii ciidamo beeshaasi ka tirsan
iyo ciidamo kale oo DF ka tirsanaa dagaal ku dhex maray magaalada loogu
awood roonaaday ciidamada DF.
Madaxweynaha DF Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan sheegay inay xaalada
Kismaayo faraha kasii baxeyso isla markanaa dhawaan la geyn doono ciidamo
aad u hubeysan oo DF iyo Ethiopian-ba iskugu jira.
Madaxweynaha waxuu sheegay inaysan raali ka noqon doonin in magaalo hoos
timaada Dowlada KMG ah ay ka taliyaan maleeshiyaad hal beel kasoo wada jeeda
isla markaana dhibaatooyin ka abuuraan gudaha magaaladaasi.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe
ayaa ah magaalo xeebeed taariikh ku leh dalka Soomaaliya, balse waxaa
daashaday dagaalo beeleedyo iyo burbur soo gaaray kadib markii xoog dalka
loogu bixiyay Madaxweynihii Somalia Marxuum Max’ed Siyaad Barre.
|