Bardaale, Talaado, May 13,
2008 Xogta Online
Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobalka Bay ayaa sheegaya inay
halkaasi la wareegeen ciidamo taabacsan Mucaaradka Dowlada Federaalka
Soomaaliya.
Ciidamadaan Mucaaradka taabacsan ayaa shalay galinkii dambe si nabad galyo
ah oo aysan xabad ku dhicin ku galay gudaha magaalada Bardaale, iyagoo goob
fagaare ah kula hadlay dadweynaha ku dhaqan Bardaale.
Mas’uuliyiintaan ayaa sheegay inay wadaan qorshe maamul Islaami ah ugu
dhisayaan gobalka Bay iyo degmooyin hoos yimaadan uguna horeyn doonto
degmada Bardaale.
Mas’uuliyiinta hogaamineysay ciidamadaan ayaa dadweynaha ugu baaqay inay is
dajiyaan isla markaana hubkooda qaataan dhinacna ka galaan dagaalada loogu
soo horjeedo DF iyo ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha Soomaaliya ku sugan.
Waxa ay dadweynaha ugu baaqeyn inay xiraan goobaha Aflaanta laga daawado ee
Bardaale ku yaala, isla markaana la joojiyo qaadista Canshuuraha iyo Iibinta
waxyaabaha muqaadaraadka ah gaar ahaan Khaadka iyo Sigaarka.
Dhamaan awaamiirtaan lagu soo rogay degmada Bardaale ee gobalka Bay ayaa
xalay hirgalay, iyadoo aysan jirin habeenimadii xalay goob Aflaan laga
daawado oo ka dhex furneed gudaha magaalada.
Maamulkii Dowlada Federaalka hoos imaan jiray ee ka arrimin jiray degmada
Bardaale ayaa daaqada isaga baxay, iyadoo aan la ogeyn halka ay jaan iyo
cirib ay dhigeen maamulkaasi iyo ciidamadii taabacsanaa.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Bardaale Yoonis Cali Dareer ayaa Saxaafada u
sheegay inay dhawaan kusoo laaban doonaan degmada Bardaale isla markaana
degmadaasi laga bixin doono kooxaha hada gacanta ku haya.
Guddoomiyaha waxuu sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Baydhaba ee xarunta
G/Bay isla markaana halkaasi ka abaabulayo ciidamo xoogan oo uu doonayo inay
gacantiisa kusoo celiyaan mar kale degmada Bardaale.
Mar wax laga weydiiyay ciidamada uu soo wadan doono inay Ethiopian-ka hor
kacayaan ayuu yiri "Awood aan Ethiopian aheyd DF inay qabto ma u maleynaayi,
waxaana dhamaan ciidamadaan soo wadan doono ay noqonayaan Ethiopian-ka,
saacadaha soo socdana waan kusoo fool leenahay Bardaale".
Magaalada Baydhabo oo ay maalmahaan ka socdeen abaabulida ciidamo xoog leh
oo la geeyo degmooyin badan oo ka tirsan gobalka Bay, halisna u ah in ay
gacanta ugalaan kooxaha ka soo horjeeda Dawladda Soomaaliya ayaa maanta
markale dib uga bilowday magaalada Baydhabo.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya & Saraakiisha amaanka ee ka soo jeeda
gobalada Baay & Bakool ayaa wada hadalo ku aadan dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab
ee ay labada gobalka ka wadaan waxa ay uga soconayaan magaalada Baydhabo.
Si kastaba ha ahaatee, xoogaga kasoo horjeeda Siyaasada DF iyo joogitaanka
ciidamada Ethiopian-ka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sii xoogeysanayay
kuwaasoo gacanta mar badan ku dhgay degmooyin ka tirsan gobolada Bay, Bakool,
Banaadir, Shabeelaha Dhexe, Gedo, Galgaduud iyo Hiiraan.
|