Xaflada qalin-jabinta fasalada Afaraad ee Dugsiga sare ee sheikh Ali jawhar secondry school +Sawiro

Xaflad, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online

Xaflad si fiican loo soo agaasimay ayaa waxaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee sheikh Ali jawhar secondry school, xafladan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey ardayda fasalada afaraad(from four) oo ah ardayda sanadan ka baxaysa dugsiga.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf badan oo ka kala socota bulshada rayidka, culumada diinta,wasaarada waxbarasha ,iyo waliba Suldaano.



Ugu horay waxaa halkaa ka hadashay Dr.Nimco X.Abakor oo dhamaan aradayda ku boorisay inay sii wataan waxbarashadooda ilaa heer jaamacadeed ,

Dr. Nimco waxaa hadalkeedii ka mid ahaa “dhamaan ardayeey waxaa tihiin dhallinyaro da yar waxaanad haysatiin waqti aad waxbarashadiina ku sii korodhsataan markaa waxaa inigula dardaarmayaa inaan waxbarshada aanad halkaa kaga hadhin ee aad sii wadataan.

Waxa kale oo ka mid ahaa marti sharaftii halkaasi ka hadashay Suldaan Saleebaan, sheikh Cali Aadan oo ka mid ah Culumada diinta magaalada borama ,Maxamed Bule oo ka mid ah wasaarada waxbarasha ee Gobalka Awdal iyo waliba marti sharaf kale oo dhamaamtood ardayda ku booriyey inay ku dadaalaan waxbarashadooda.

Intaa ka dib waxa isaguna halkaa ka hadalay Gudoomiya Ardayda Dusiga sare ee sheikh Ali jawhar secondry school Nuur Muuse Geedi oo isaguna ka sheekeeyey wax-qabadkii ardaydii hare iyo waliba wax ay qabteen sanadkan.

Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxa ay soo qabteen ardaydii hare ee ka baxday dugsigani waxaa ka mid ahaa iibinta Cumputero iyo galinta qasabada biyaha, Wax qabadka sanadan oo ka weyn wax-qabadadii hare ayaa wax uu yahay in aan dusiga xuduudihiisa sugnay waxaanan ku soo wareejinay dayr,Dayrkaas oo ay ka qayb qaateen dhamaan bulshada reer Borama.

Ayaguna waxaan meesha ka madhnayn Habalaha oo kaalin lixaad leh ka qaatay qabanqaabada xaflada iyo waliba daadihinta xaflada, waxa kale oo halkaasi ka muuqday ardayda qalin-jabinaysa oo ku labisnaa dirays isku eeg iyo waliba calanka Somaliland.

Isku soo wada duuboo xafladaha noocan ah ayaa waxa ay noqdeen kuwo iska caadi ah oo ay qabtaan ardayda sanadkaasi ka baxaya dusiga sare ee sheikh Ali jawhar secondry school


Abdiaziz Mohamed Elmi
Xaaji7777@hotmail.com

 

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com