Dabageed "Ciidamada Ethiopian-ka waxaan ku heshiinay sidii aan ku burburin laheyn maamulka Hiiraan ee cusub".

Beledweyne, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online e

Yuusuf Axmed Hagar "Dabageed" oo kamid ah hogaamiyaashii xilalka kasoo qabtay maamulka G/Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inuu heshiisyo hoose la galay Saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan gudaha gobalkaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa wali ku adkeysanaya inuu yahay Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, kadib markii dhawaan warqad kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul-wasaaraha DF xilka loogu xayuubiyay Dabageed iyo maamulkii hoos imaan jiray laguna magacaabay maamul cusub.

Yuusuf Dabageed oo xalay Saxaafada la xiriirtay sheegeyna inuu ku sugan yahay duleedka Beledweyne ayaa yiri "Dhawaan waxaan ku laaban doonaan gudaha gobalka Hiiraan gaar ahaan xarunta Beledweyne, heshiisyo hoose ayaana wada galnay saraakiisha Ethiopian-ka".

Dabageed waxa uu sheegay inay Saraakiisha Ethiopian-ka ku heshiiyeen sidii ay u burburin lahaayeen maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobalka Hiiraan isla markaana u gacan qaban lahaayeen maamulka Dabageed sida uu hadalka u dhigay.

"Marnaba Nuur Cadde iyo rag lamid ah xilka igama qaadi karaan iyagana iima dhiiban xukuumad cadaalad aheyd oo ka horeysay ayaa ii dhiibtay waana heynayaa ilaa xalka Soomaaliya la heli doono, isla markaana DF shanta sanno u dhamaanayo" ayuu yiri Dabageed.

Mar wax laga weydiiyay inay ciidamada Ethiopian-ka la wareegeen hubkiisa ayuu beeniyay arrintaasi waxuuna yiri "Ma jirto hub ii gaar ah aniga, hubka gobalka ayaan maamulaa dhamaantiisa, saraakiisha Ethiopian-ka aniga ayay I gacan qabanayeen ee hub igama qaadi doonaan".

Dabageed waxa uu ku eedeeyaya Ra'iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Nuur Cadde inuu waddo qorshe lagu burburinayo Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

"Nuur Cadde inta uusan xilka qaban awooda dowlada aad beey u sareysay, kadib markii uu xllka qabtay waxuu bilaabay inuu isku diro madaxda DF gaar ahaa kuwa maamulada gobalada, waxuuna u carab laad laadinayaa Mucaaradka oo uu taageersan yahay basle gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa" ayuu yiri Dabageed.

Waxa uu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax maamulka Hiiraan wada hadal ah oo la gali doono kooxaha hubeysan ee Beledweyne naf ahaantiisa xooga ugu soo saaray, waxuuna yiri "Kooxahaasi Argagaxisada xiriirka la leh waxaan balan qaadayaa labada toddobaad ee soo socota inaan cagta mariyo".

Si kastaba ha ahaatee, Yuusuf Dabageed ayaa kamid ah hogaamiyaasha Soomaalida ee inta badan hadalo aysan ka fiirsan Saxaafada u sheega kuwaasoo kadib marka lagu qabsado hadaladaasi beeniya iyagoo laga hayo codadkooda oo rasmiga, waxuuna kaalinta afaraad kaga jirayaa hogaamiyaasha been ma sheegayaasha isku magacaaba ee inta badan hadalo la isku qab qabsada sheega sida Cabdilaahi Yuusuf, Maxamed Dheere, Salaad Cali Jeelle iyo Muuse Suudi Yalaxoow.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com