Muqdisho: Saraakiisha Ethiopian-ka oo hub dhigis ku sameeyay Max'ed Dheere iyo K/xigeenadiisa.

Muqdisho, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online

Kulan maanta ka dhacay xarunta gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa inta badan hubkii maamulka gobalka Banaadir kula wareegeen ciidamada Ethiopian-ka ee magaalada Muqdisho ku sugan.

Kulankaan oo ka qeyb galeen Saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka, Maamulka gobalka Banaadir iyo xubno kamid ah Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Mas'uul kamid ah maamulka gobalka Banaadir oo kulankaasi ka qeyb galay diidayna in magaciisa la shaaciyo sababo ammaan ayaa Saxaafada u sheegay inay hubkii Maxamed Dheere iyo K/xigeenkiisa dhinaca arrimaha bulshada Maxamed Cismaan "Dhagaxtuur" ay la wareegeen ciidamada Ethiopian-ka.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kulan ay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku yeesheen Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde iyo Jeneraal Gabre oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha Soomaaliya ku sugan.

Jeneraal Gabre ayaa ka codsaday Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde in hubka Maxamed Dheere laga wareejiyo maadaama inta badan ciidamadiisa ay geystaan dagaalada qeybo kamid ah Muqdisho ka dhaca gaar ahaan suuqa Bakaaraha.

Gabre ayaa yiri "Maxamed Dheere inta badan waxuu ka mas'uul yahay dagaalada DF loogu soo horjeedo, waxuu heystaa hub badan iyo ciidamo aan amar qaadan oo waxey doonaan sameeyaa dhac u geysta shacabka, baarta ganacsatada Bakaaraha, sidaadi darteed hadii aad dooneysid nabada Xamar waa in Maxamed Dheere hubka laga wareejiyaa kadibna xil ka qaadis lagu sameeyaa".

Kadib kulankaan ayaa warqad uu ku saxiixnaa Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde oo Saxaafada loo qeybiyay loogu baaqay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "Max'ed Dheere" inuu hubkiisa sida ugu dhaqsiyaha badan ugu wareejiyo Taliska Ciidamada Ethiopian-ka.

Maxamed Dheere iyo K/xigeenkiisa Dhagaxtuur ayaa hada heysta in ka yar 7 maleeshiyo oo ilaalisa iyo hub u badan qoryaha fud fudud ee AK47, iyagoo hore u ilaalin jirtay maleeshiyo ka badan 70 ruux kuwaasoo ku hubeysnaa hubka cul culus iyo kuwa fudud isla markaana watay gaadiid kor u dhaafaya 17 Tekniko.

Ilaa hada ma jirto warar kasoo baxay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Dheere iyadoo xiriir aan la sameynay uu ka gaabsaday inuu arrintaasi ka hadlo.

Si kastaba ha ahaatee, Arrintaan ayaa muujineysa sida Saraakiisha Ethiopian-ka ee Soomaaliya ku sugan waxey doonaan ka yeeli karaan mas'uuliyiinta Dowlada KMG ah kuwaasoo u dheg laad laadlaadiya saraakiisha Ethiopian-ka.


Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com