Beledweyne: Ciidamada Ethiopian-ka oo dhac xoogan ka wada gudaha magaalada .

Beledweyne, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online

Wararka ka imaanaya Caasimada gobalka Hiiraan ee Beledweyne ayaa sheegaya inay ciidamada Ethiopian-ka ee labadii cisho lasoo dhaafay kusoo qulqulayay magaaladaasi ka bilaabeen falal ammaan daro magaalada.

Ciidamadaan Ethiopian-ka ayaa shalay galinkii dambe kusoo fiday qeybo kamid ah suuqa weyn ee magaalada kuwaasoo gudaha u galay Bakhaaro suuqaasi ku yaala, kana qaatay lacago iyo cunooyin u badan Kaluunka ku jira gasacyada ee OMAAR-ka loo yaqaan.

Ciidamadaan Ethiopian-ka ah ayaa rasaas aan loo meel dayin ku ridayay dadweynaha ku sugnaa suuqa kuwaasoo doonayay inay hantidooda ka ceshtaan ciidamada Ethiopian-ka balse arrintaasi uma suurta galin.

Ciidamadaan Ethiopian-ka ee gudaha Beledweyne ku sugan ayaa la sheegay inay yihiin kuwii ugu tirada badnaa abid ee soo gala gudaha magaalada iyadoo aan la aqoon ujeedada rasmiga ah ee magaalada usoo galeen.

Warar hoose ayaa sheegaya inay ciidamadaan Ethiopian-ka ah magaalada kusoo dhaweyn doonaan Guddoomiyaha cusub ee G/Hiiraan dhawaan loo soo magacaabay kaasoo la filayo inuu gudaha toddobaadkaan soo gaaro magaalada Beledweyne.

Dadweynaha Beledweyne ku sugan aya farta wadnaha ku haya, kuwaasoo ka cabsi qaba dagaal gudaha magaalada xiliyada habeenkii ah ku dhex mara ciidamada Ethiopian-ka iyo xoogaga kasoo horjeeda oo ku wada sugan bartamaha magaalada xiligaan.

Waxaa jira dadweyne ka qaxay magaalada Beledweyne kuwaasoo u guuray gobolada Hiiraan ku dhow dhow gaar ahaan gobalka Galgaduud oo ay maciin bideen inuu ka ammaan roon yahay Beledweyne.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa gaalin labaad ka gashay magaalooyinka ugu ammaanka xun Soomaaliya marka laga reebo magaalada Muqdisho oo kaalinta koowaad waligeed heysatay.


Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com