Jaaliyada Jubba Land ee dalka South Africa oo War-Saxaafeed so saartay.

Port Elizabeth, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online


Bismilaahi raxmaani Raxiim

Ujeedo:warsaxaafadeed ka soo baxay jaaliyadda juboland ee dalka k/afrika.

Shir balaaran oo shalay iskugu yimaadeen magaaladda port Elizabeth xubnaha jaaliyadda Juboland ee dalka k/afrika ayeey kaga wada hadleen xaaladda murugsan ee uu marayo wadanka soomaaliya guud ahaan ,iyo isbadalka cusub ee ka jira degmooyinka juboland ,

Shirkaas waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah oo lagu taageerayo maamulka cusub ee degmadda afmadow,

1-Waxaan uhambalyeynaynaa maamulka laga dhisay jubooyinka , waxaan kale oon ku faraxsanahay maamulka oo sheegay  in ay ku dhaqmiyaan shareecadda islaamka , taas oo ah xalka kaliya ee ummadda soomaaliyeed mideen kara ,ee lagu gaadhi karo wanaag aduun iyo mid aakhiro,

2-Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa goboladda  kale dalka soomaaliya in ay sameystaan maamulo ku dhaqmaya shareecadda islaamka , kana fogaadaan gaaladda iyo gaalo raacayadda

3-Waxaan kula talineynaa ama ku boorineynaa maamulka cusub ee loo sameyay jubooyinka ,sedan hoos ku qoran:

a-Adkeynta ku dhaqanka shareecadda islaamka
b-U adeegida ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan jubooyinka
c-Ilaalinta midnimadda  beelaha wada dagan jubooyinka
d-Hormarinta nabad galiyadda , caafimaadka ,waxbarashadda, iwm
4-Sidoo kale waxaan oogu baaqeynaa jaaliyaddaha kale ee jubooyinka iney la garab istaagaan maamulkan cusub waxii  eey awoodaan  ama hiil & hooba leh
Waxaa na soo gaarsiiyay baaqan walaalaha kala ah: 

1-SULDAAN SHIINE ASKAR
2-SHARIIF MAXAMUD MAHDI
3-MAXAMED TUBE SAHAL
 

Abuu Sumaya
South Africa



Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com