Faahfaahinta qaraxyadii maanta ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Muqdisho, Talaado, May 13, 2008 Xogta Online

Qaraxyo kala gadisan ayaa maanta ka dhacay qeybo kamid ah degmooyin ku yaala Koonfurta Soomaaliya.

Degmooyinkaan oo ay kamid yihiin gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada ku gadaaman ayaa intooda badan lala beegsaday ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Ethiopian-ka.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee qaraxyadaan maanta geysteen iyadoo warar aan la xaqiijina sheegayaan inay ku geeriyoodeen ciidamo ka tirsanaa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Wali ma aysan ka hadlin qaraxyadaan dhinacyada hubeysan ee DF kasoo horjeeda gaar ahaan Maxkamadaha Islaamiga iyo Xarakada Al-Shabaab oo inta badan sheegan jiray weerarada noocaan ah ee lala beegsado DF iyo Ethiopian-ka.

Si kastaba ha ahaate, qaraxyadaan ayaa kusoo beegmaya xili lasoo warinayo inuu fashil ku yimid shirkii kooxaha Soomaalida loogu heshiisin lahaa ee lagu waday in 10 bishaan May ka furmo dalka Jabuuti.
 

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com