|
||||
|
Shariif Xasan “Isbaheysigeena wada hadal lama laha DF ee waxaan wada hadleynaa QM”. |
||||
Djibouti, Arbaco, May 14, 2008 Xogta Online Mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadeyn inaysan jirin wada hadal ay magaaladaan Djibouti kula leeyihiin Dowlada KMG ah ee Soomaaliya. Mas’uuliyiintaan oo kamid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inaysan wax wada hadal ah la gali doonin Dowlada KMG ah ee Soomaaliya. Shariif Xasan waxa uu sheegay in wada hadalad Jabuuti ka socda ay dhex marayaan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaliya iyo Qaramada Midoobay oo kaliya, isla markaana aysan jirin wax wada hadal ah oo ay la galayaan DF. “DF mawa aqoonsanin jiritaankeeda, waana mid sharci daro ku taagan, sidaadi darteen anaga QM ayaa ina marti qaaday kulamana la leenahay” ayuu yiri Shariif Xasan. Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu sheegay in wali ay sharuudooda taagan tahay taasoo aheyn marka ciidamada Ethiopian-ka ka baxaan gudaha Soomaaliya inay la hadlayaan xubaha DF ee Jabuuti xiligaan ku sugan. “Ciidamada Ethiopian-ka oo wali xasuuq ka wada gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ma suurta galeyso inaan wada hadal la yeelano DF” ayuu yiri Shariif Xasan. Mar wax laga weydiiyay sababta keenay Jabuuti hadii aysan DF wada hadal la yeelaneyn ayuu yiri “Jabuuti waxaan u nimid casuumad aan ka helnay QM, wada hadal ayaana inagu dhex maraya QM halkaan”. Shariifka waxuu sheegay in maalinimada Khamiista ah ay ku laaban doonaan magaalada Asmara ee xarunta u ah Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana dib ugu soo laabanayaan Jabuuti labo toddobaad kadib. Si kastaba ha ahaatee, Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wali ku adkeysan inaysan wada hadal toos ah la galeyn DF, taasoo cadeyn u noqon karta hadalada mas’uuliyiintooda kasoo yeeraya isla markaana furitaanka shirkaan ay ka sheegeen inay wada hadal kula leeyihiin Jabuuti QM oo kaliya.
Abdifitahaam Ahmed |
||||
Xogta Online |
Contac Us: xogtasom@gmail.com |
|||