Neyrobi, Arbaco, May 14, 2008 Xogta Online
Xildhibaan Maxamed Qanyare
Afrax oo kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay
xaalada Soomaaliya iminka ay mareyso.
Xildhibaanka oo isagoo ku
sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya Saxaafada la hadlayay ayaa
sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay sii jiri doonto, ilaa ay daaqada ka
baxeyso DF oo ku tilmaamay mid aan dano dadweyne ka shaqeyneyn.
Qanyare waxa uu sheegay in
Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf habeenimadii Nairobi lagu doortay uu codsaday
30.000 oo Askari kuwaaso ka socda dowlada Ethiopia balse loogu badalay
ciidamo kor u dhaafaya 70.000 Askari kuwaasoo iminka ku sugan dalka
Soomaaliya.
“Cabdilaahi Yuusuf waligeey
waan ogaa inuusan dano shacbiyadeed ka shaqeyn doonin, Soomaalida ayayna u
taal sidii ay isaga celin lahaayeen hal meelna ugu soo horjeesan lahaayeen”
ayuu yiri Qanyare.
Xildhibaanka ayaa sheegay in
dhawaan ciidamo uu soo diray Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf ay weerar ku
qaadeen guriga uu Baydhaba ku degnaa isla markaana lagu dilay labo kamid
ahaa ilaaladiisa.
Waxa uu sheegay in dhibaatada
Soomaaliya ka taagan mas’uul ka yahay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf oo
sheegay inuusan aheyn nin qaran balse yahay nin qabiil sida uu hadalka u
dhigay.
Mar wax laga weydiiyay
aragtidiisa ku aadan shirka kooxaha Soomaalida ugu furmay Jabuuti ayuu yiri
“Isbaheysiga looma baahneyn inay Jabuuti tagaan ama shir la yeesheen DF
xubnaha ka socda, ilaa dalka laga saaro ciidamada Ethiopian-ka”.
Qanyare waxuu sheegay inuu dadaal xoogan u gali doono
sidii dalka loogu bixin lahaa ciidamada Ethiopian-ka oo ku tilmaamay cadaw
weerar ku ah jiritaanka ummada Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, Xil.
Qanyare ayaa kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ee inta badan dhaliila
Siyaasada Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed. |