Indhacade “Xubnaha Isbaheysiga ee Djibouti ku sugan waa calooshood u shaqeystayaal”.

Muqdisho, Arbaco, May 14, 2008  Xogta Online

Mas’uulka dhinaca Gaashaandhiga u qaabilsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacade” ayaa markii ugu horeysay eedeyn aan gambasho laheyn u jeediyay xubnaha Isbaheysigiisa ka tirsan ee Jabuuti ku sugan.

Yuusuf Indhacadde oo Saxaafada qaarkood lasoo xiriiray isagoo sheegay inuu Muqdisho ku sugan yahay ayaa yiri “Xubnaha DF kulamada kula leh Jabuuti ee ka tirsan Isbaheysigeena waa kuwa aan isbaheysiga ka turjumin oo calooshood u shaqeystayaal ah”.

Indhacade waxuu sheegay inaan loo baahneyn in la hor fariisto Dowlada KMG ah ilaa dalka laga bixiyo ciidamada Ethiopian-ka oo ku tilmaamay inay yihiin cadawga ugu weyn oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in madaxda Isbaheysiga dib u xoreynta uu xiriiro la sameeyay isla markaana u sheegay hadii ay wada hadal la galaan DF xili ay Ethiopian-ka dalka ku sugan yihiin ay keeni karto burbur ku yimaada jiritaanka iyo shaqada Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

“Aniga diyaar ayaan u ahay dagaal kasta oo aan la galo ciidamada Ethiopian-ka sidii aan dalka ugu bixin lahaa, mana joojin doono dagaalada aan ka wado qeybo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Indhacade. 

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ergo ka socota Isbaheysiga dib u xoreynta ay gaareen magaalada Jabuuti, kuwaasoo lagu wado in la hor fariisiyo DF si ay xaalada dalka ka wada hadlaan isla markaana heshiisyo wada gaaraan.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com