May 27, 2008 Xogta Online -
Barnaamij ka mida barnaamijyadda ka baxa Chanel4 ee dalka Ingiriiska laguna magacaabo DISPATCHES ayaa lagu soo qaatay qaar kamida madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyadoo cinwaana looga dhigay Dagaal Ooge daris kula ah oo markaa uu wariyuhu ula jeeday in qaar kamida dadka danbiyadda dagaal iyo xadgudubyadda ka wadda guddaha dalka Soomaaliya ay degan yihiin dalka UK halkaan ay u joogaan caruurtooda iyo xaasaskooda.

' The Boss of Security Service has a Home in lester, The deputy Police Cheif has a home in Birmingham, The former intarim Minister has a British Passport and a home in London' ayuu wariyuhu ku furay warkiisa iyadoo uu sheegay in Madaxa nabad sugida Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish uu dagan yahay Lester, halkaana ay ku nool yihiin caruurtiisa, Taliye Xigeenka Booliska Axmed Xaashi Axmed Taajir uu degan yahay Birmingham, halkaana ay xaaskiisa iyo caruurtiisa joogaan sidoo kale, Wasiirkii hore ee arimaha guddaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma dheere uu heysto sidoo kale Basaboor British ah ayna qoyskiisu degan yihiin LONDON.
Barnaamijkaan xalay ka baxay Chanel4 ayaa waxaa la sii balaminayay isbuucii tagay iyadoo dad badan oo Soomaali ah kuna nool waddamada Yurub gaar ahaan UK ay si aad ah ula socdeen ayaa waxaa daaha looga rogay danbiyaddii ay galeen dagaal oogayaasha Soomaaliyeed ee hadda madaxda ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan, maamushana wqeybo yar oo ka mida magaaladda Muqdisho iyo Baydhaba.
Waxaa Barnaamijkan xalay lagu lafa guray afarta shaqsi ee kala ah Col. Cabdullaahi Yuusuf, taliyaha nabadsugidda Maxamed warsame Darwiish, ku xigeenka taliyaha Booliska Axmed Taajir iyo wasiirkii hore ee arimaha guddaha Max'ed M. Guuleed Gamadheere iyadoo uu wariyaha soo diyaariyay barnaamijkaana u socdaalay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya xili ay halkaa dagaalo ka socdeen oo ay isaga soo horjeedeen xoogaga hubeysan ee diidan dowladda iyo ciidamadda itoobiyaanka.
Kahor inta uusan warihuhu u baqoolin caasimaada Soomaaliya waxa uu booqday xaafaddo ay dagan yihiin Soomaalida ku dhaqan UK halkaasoo uu kula kulmay dad isugu jira qaraabadda dagaal oogayaasha uu sheegay iyo qaar kamida dad ka cabanayay xadgudubyo ay sheegeen in dadkooda ku sugan guddaha Soomaaliya ay u geysteen iyadoo nin kamida dadkii uu la kulmay uu u sheegay in lacag madax furasho ah uu soo weydiistay taliyaha nabadsugidda dowladda Jen. Darwiish si dad laga heystay loogu sii daayo.
Dilal qorsheysan, Handadaad, weeraro iyo duqeymo, jirdil loo geysto dadka aan waxba galabsan, xabsiyo lagu ciqaabo, baad laga qaato dadka si loogu sii daayo dadkooda ka xiran iyo waliba dhimashadda dad badan oo Muqdisho ku sugnaa ayna geysteen ciidamada ka amar qaata dagaal oogayaashaan ayuu sheegay wariyuhu in ay ay xadgudubyadaas geysteen mas'uuliyiinta uu tilmaamay.
Waxa uu sidoo kale Muqdisho kula soo kulmay dhibanayaal ay jirdil iyo xarig u geysteen ciidamadda ka amar qaata Darwiis iyo Axmed Taajir iyadoo uu wariyuhu soo bandhigay dhibanayaal si fool xun loola dhaqmay qarakoodna ciddiyaha laga siibay oo xabsiga lagu ciqaabay.
Waxaa uu kadib la kulmay sida uu sheegay Mas'uuliyiinta arimahaas ku lugta lahaa ee uu isagu magac daray DAGAAL OOGAYAAL, ama DAMBIILAYAAL DAGAAL' isagoo tilmaamay in ay iyagu sika fogeeyeen ku lug lahaanshaha falalkaas foosha xun balse loo haayo cadeymo muujinaya in ay iyagu yihiin kuwii ka danbeeyay gumaadkii ka dhacay guddaha dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Waxaa u suura gashay in uu la kulmo Jen. Darwiish oo ku sugan Muqdisho, Axmed Taajir sidoo kale iyo Gacmadheere inta uu barnaamijka waday waxa uu sidoo kale UK ka raadiyay qoysaskooda oo uu halkaa ku wareystay Gabar uu dhalay Gacmadheere, AABAHEY FAL DAMBIYEED KUMA LUG LAHA ayay u sheegtay, halka wiil uu dhalay Darwiish uu Gacmaha isaga dhigay Cameradda iskana diiday in wax laga weydiiyo shaqadda aabihii haayo, dhamaan sadaxdan mas'uul waa taliye xigeenka Axmed Taajir Jen, darwiish iyo Gacmadheere si siman ayay u dafireen dambiyaddii lagu eedeeyay iyadoo uu dhanka kalena wariyuhu soo bandhigay tacadiyadda ay geysteen isagoona wareystay qaar kamida dadkii ay u geysteen.
Xaaska Taliye xigeenka Axmed Xaashi ayuu ku booqday hoygeeda Birmingham, waxayna u sheegtay in aysan wax taageero dhaqaale ah ka helin tan iyo intii uu u baqoolay Soomaaliya ee uu bilaabay shaqaddiisa iyadoo sheegtay in ay caruurtiisa heyso, sidoo kale Isbitaalkii C/llaahi Yuusuf lagu dabiibayay ayuu booqday.
Wariyihu waxa uu soo bandhigay muuqaalo naxdin leh kadib markii uu booqday qaar kamida isbitaaladda magaaladda Muqdisho, dhaawacyo u badan kuwo halis ah, Caruur yar yar oo madaafiic ay si xun u wax yeeleeyeen aween iyo dad waayeel ah oo dhamaantood ay wax yeelo ka soo gaartay Gantaalaha ay sida arxan daradda ah Magaaladda Muqdisho ugu garaacayeen Ciidamadda Dowladda Federaalka iyo Kuwa itoobiyaanka gaar ahaan kuwa ka amar qaata DARWIISH oo isagu wakiil uga ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf dagaaladda Muqdisho.
Wasiirkii hore ee arimaha guddaha Gacmadheere ayaa isagu lagu eedeeyay ka qeyb qaadashadda dambiyaddii dhacay xiligii uu wasiirka ahaa iyadoo sidoo kalena lagu eedeeyay in uu ishortaagay in la gar gaaro dadkii ka bara kacay dagaaladda Muqdisho oo uu joojiyay in raashiin la gaarsiiyo, waxuuna ku andacooday mar la weydiiyay su'aashaas in uu doonayay in uu baaro raashinka dadka la siinayo si loo ogaado in uusan dhicin oo uu yahay raashiin fiican, jawaabtoosoo noqotay mid aanan sinaba loogu qancin maadaama uu dadkii l dilay, la duqeeyay qaarkii ka soo haray ee banaanka joogay uu baahi u dilay una diiday in raashin la gaarsiiyo.
Runti Barnaamikaas ayaa ahaa mid dareen gooni ah ku reebay dadkii daawanayay, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee dadka reer YURUB lagu baraarujiyo in ay daris la yihiin dad dhagar qabayaal ah oo dambiyo dagaal ku lug leh, waxaase loo badinayaa in barnaamijkaan uu noqon doono mid Documents ahaan loo keydiyo waqtigii mid kamida xubnahaan uu tago halkaana lagu qaado dambigiisa.
Waxaa soo diyaariyay AIDAN HARTLEY oo ka tirsan Chanel4.
Waxaa Tarjumay Cabdifitaax Cali Aadan
cabdifitaaxcali@hotmail.com
Halkaan ka Daawo http://www.soomaalinews.com/warlords.html
|