Qaahira, Arbaco, 30 April 2008 Xogta Online
Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.
Sheekh Shariif iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Qaahira kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Masar kuwaasoo u galbiyay hotel dowladaasi ka dajisay magaalada Qaahira.
Sheekh Shariif ayaa la hadlay qaar kamid ah Odoyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Qaahira, waxuuna sheegay inay Qaahira u yimaadeen wada tashiyo ay la leeyihiin Mas’uuliyiinta dowlada Masar.
Waxa uu sheegay inaysan wali go’aan ka gaarin Isbaheysigooda wada hadal ay la galaan Dowlada Federaalka kadib markii dhacaan ciidamada Ethiopian-ka ay si bareer ah u gooraceen Culumaa’idiin Soomaaliyeed oo wax ka baraneysay Masjidka Al-Hidaaya ee xaafada Waxad-Cadde.
“QM way nala soo xiriirtay waxaana u sheegnay inaan wali go’aan gaarin oo wada tashi uu dhexdheena ka jiro” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif waxuu balan qaaday inuu galab la hadlayo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Qaahira isla markaana ugu warbixin doono xaalada dalka ku sugan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa intii uu hayay xilka Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta soo booqday magaalada Qaahira laba jeer. |