Maamul cusub oo loo magaaabay G/Hiiraan iyo Yuusuf Dabageed oo qaadacay.

Muqdisho, Arbaco, 30 April 2008 Xogta Online

Ra’iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” ayaa waayadaan waday qorshe balaan oo uu maaamulo cusub ugu magacaabo gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Warqad uu ku saxiixnaa Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde oo ku magacaabay maamul cusub uu yeelanayo gobalka Hiiraan ayaa maanta loo qeybiyay Saxaafada gudaha dalka ka howl-gasha.

Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa maamulka gobalka Hiiraan u magacaabay mas’uuliyiin aan ka tirsaneen maamulkii sannadkii ugu dambeeyay ka jiray.

Magacaabista waxa ay u dhacday sidaan:

Guddoomiyaha G/Hiiraan: Maxamed Axmed Maxamed
Guddoomiye K/xigeen: Saleebaan Axmed Hilowle
Duqa magaalada Beledweyne: Aadan Cabdi Ciise “Garaaso”
Taliyaha ciidamada G/Hiiraan: Axmed Cilmi Gute
Taliyaha qeybta Booliska: Cabdi Aadan Cadoow

Kadib magacaabistaan Saxaafada waxa ay la xiriirtay Guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dagabeed” waxuuna qaadacay magacaabistaan cusub.

“Aniga ayaa ah Guddoomiyaha rasmiga ah ee gobalka Hiiraan mana jirto cid I badali karta, waxaana wadanayaa howsha aan u magacaabanahay” ayuu yiri Dabageed.

Dabageed ayaa ku tilmaamay magacaabistaan cusub inaysan aheyn mid xaq ah oo aan laga fiirsan isla markaana isaga shaqadiisa uu wadan doono.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista maamulka gobalka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyay wax maamul ah uusan ka jirin gobalka Hiiraan kadib markii xoogaga DF kasoo horjeeda ay xoog gobalka ugu saareen maamulkii Yuusuf Dabageed.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com