Oslo, Arbaco, 30 April 2008 Xogta Online
Waxaa maanta ka dhacay caasimada dalka Norway ee Oslo banaanbixii inta ugu heerka sareeyay ee inta la xsuusto qurbajoogta Soomaliyeed ku qabtaan dalka dibadiisa, Dad lagu qayaasay 1100 qofood oo Soomali ah kana ka yimid dalalka Sweden iyo dalka wadanka martida loo ahaa ee Norway.
Ujeedada ugu weyn ee banaabaxa laga lahaa ayaa ahayd in aduunka gaar ahaan kooxda xiriirka caalamiga ah oo halkaa ku shirsaneyd loo gudbiyo xasuuqa ciidamada Ithipia ka wadaan gudaha wadanka Somalia.
09:00-kii Aroornimo ayaa hirar dadweyne caraysan ahi waxa ay hordhoobteen Holmenkollen Park hotel oo ahaa hotelka uu ka dhacayay shirka kooxda xiriirka caalamiga ah iyaga oo sitay boorar ay ku muujinayeen cabashadooda iyo waliba sawiro muujinaya xasuuq la geysanayo ,gabdho la kufsaday,kufsi,iyo sidoo kale hugun ka baxayay dadweynaha oo qaylinayay.
CONTACT GROUP FADLAN SOMALIDA KA XISHOODA
ITHIOPIA KA SAARA WADANKEENA
XASUUQ MAYA
Iyo erayo kale oo la mid ah .
Amina Sacid oo Xorriyo loo yaqaano kana mid ah dadkii banaabaxan ka soo qaybgalay kana timid dalka Sweden oo dadkii halkaas ka hadlay ka mid ahayd ayaa sheegtay in aanay waligood ka daalin doonin ineey xaquuqdooda u doodaan dib-na u helaan xornimadooda.
Cali ganeey oo ah Xubin ka tirsan Isbahaysiga dib-u xoreynta Soomaliyeed ahna wakiilka isbaheysigaas ayaa dadweynaha la hadlay waxa uuna u sheegay in ay ka codsanayaan kooxda xiriirka caalamiga ah ineey ku dhawaaqaan ka bixintaanka ciidamada Ithiopia ee dalka Somalia.
Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somalia Axmed Ould Abdallah iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee dalka Norway ayaa banaanbaxayaasha banaanka ugu soo baxay si ay ula hadlaan markii ay carada banaabaxayaasha cirka isku sii shareertay taasi oo ka danbeysay markii dadweynuhu arkeen Haweeneyda maraykanka u qaabilsan arimada Somalia Miss Jenday Freezer oo inta gaariga ka soo degtay si orod rucle ah ku gashay hoteelka dabadeed-na ay dadweynuhu bilaabeen qaylo aan kala joogsi lahayn oo ay si guud ugu dhawaaqayeen Janday Freezer ha dhacdo iyo erayo la mid ah. .jpg)
.jpg) .jpg) Axmed ould Abdallah waxa dood aad u adag kala hortagay Aamina Sacid oo ay halkaa isku dhaafsadeen fikrado intaa ka dib ayuu dadweynaha soo dhexgalay isagoo dadka qof qof ugu salaamayay Assalaamu Calaykum ayuu dadka u sheegay in waxktaahi ay ku xiranyihiin Somalida dhexdeeda waxa uuna yiri ma ogtihiin inaad tihiin dadka kali ah ee ku nool qaarada africa ama aduunka oo idil oo isku af ,isku diin,iyo isku dhaqan ah? Fadlan idinku heshiiya anna waan idiin fududeeynayaa balse ma uusan soo hadal qaadin arimaha ciidamada Ithiopia iyo xasuuqa ka dhacaya Somalia.
Ugu danbeyntii maanta qurbajoogta Somaliyeed waxa ay muujiyeen wadaniyad jacayl iyagoo si hooris ah iskula qaadayay heesihii xligii gobanimadoonka ee lala dirirayay Talyaaniga iyo Ingiriiska. |