Nin Laba Nirigood  oo Geela  ku dhaqda magaalada Boorama ayaa ka cabanaya inay dadku Geelisa ka bareen Qaadka iyo Sigaarka.

Borama, Arbaco, 30 April 2008 Xogta Online

Mr. Arbe ayaa in mudo ahba laba nirgood oo geela ku dhaqda magaalada Boorama dhexdeeda labadan geela ah ayaa la mid noqday sida riyadaha baladiga ah ee magaalada xaabqaadka ka ah waxase u dheer geelan magaalada ku dhex nool inay dadka magaaladu bareen geelan qaadka iyo sigaarka oo wakhtiga qaadka la gaadho ay geelani iska soo xaadiriyaan suuqa lagukala iibsado Qaadka.

Geelii oo afka la galay  marfash qaadka lagu iibiyo una aftaxaya qaadlaha.

Arbe oo saylac.com u waramay ayaa waxa uu sheegay inuu geeliisan isagu siiyo qaadka waxase aan la yaabay inay dadku ugu dareen inay u shidaan sigaarka hadana dhibaato weyn ayaan kala kulmay geelan oo maalin walba xaraaro indhaha isku qabta sigaarna aanan u awdoodin. kkkkkk

Geelan ayaa waxa ay yimaadaan suuqa qaadka qof kasta oo qaadka iibsanayana way jaleecaan bal inuu sigaar ama laan qaada u afka u galiyo .

Mulkiilaha Geela  magalada ku nool Mr. Arbe (geel caano laga lisaanu arki jiree geel qaad kaa raba maxaan ka yeelaa)

Arbe ayaa hadalkiisa ku daray habeenkii oo dhan inay geeliisu soo jeedaan qaadirada ka muuqatana ay habeenkii indhahooda ka muuqato ..kkkkk

Dadka magaalaa ayaa kusoo xooma marka geelani sigaarka iyo qaadkaba isku daro ee uu cadaynayo saacadaha qaadka..kkkk

Labadan geela ah ayaa ah geela kaliya ee sida xorta ah u dhex mushaaxa magaaladda boorama isla markaana daaqsinta ay helaani ay tahay xaabqaadka magaalada ay ka helaan oo uu ugu horeeyo caleenta qaadka...

Geela  oo sugaya dhawr mijood oo shaxaad ah iyo qaadlahii oo ku leh wali lama aftaxin ..

Laynku waa sida kolba loo kala horeeyo adeer geela daba joogso iyagaa kaa soo horeeye

Dahir Axmed Jirde
Borama/ Somaliland

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com