Borama, Isniin, Sep 29, 2008 Xogta Online
C/xafiid Axmed Cali waa bukaankaan Soomaaliyeed ee aad aragtaan dhibka xoogan ee Afka ka heysta, waxaana xanuunkaan hayaa muddo laba sanno iyo bilooyin ah.
Afka ayaa burro ugu soo baxday Bukaankaa, waxaana qaliin ku sameeyeen Dhaqaatiirta gudaha Soomaaliya ka howl-gala kadibna qaliinka lagu sameeyay ee burada loogu qalay afka ugu soo baxday ayaa waxaa isku badashay sidaan aad aragtaan waxaana ku dhacay cudur aan la aqoon oo afkiisa sidaan ka dhigay balse Dhaqaatiirka Muqdisho qaarkood ku sheegeen inuu yahay "Kaankaro" oo aan gudaha dalka wax loogu qaban karin. Walaalaha Soomaaliyeed ee ALLE wax u dhiibay waxuu ka codsanayaa inay waxii ay awoodaan ugu kaalmeeyaan sidii gargaar dibadeed oo deg deg ah u heli lahaa.
Bukaankaan ayaa hada ku sugan magaalada Boorama ee Somaliland halkaasoo lagu wado in xanuunkiisa loogu bandhigo Dhaqaatiri Ajaanibi ah oo ku sugan iyo kuwa imaaneysa hadii ah gudaha dalka wax ugu qaban karaan, balse waxey u badan tahay in xanuunkiisa ay sheegeen iyagana sida ay Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay hore ugu soo sheegeen inaan gudaha dalka wax loogu qaban karin ilaa la helo Isbitaal qalabeysan oo aad ula tacaala xanuunkaan.
Waxaa xusid mudan in jeexa afka uu maalinba maalinta ka dambeyso uu sii fidiyo taasoo ah xanuunka ugu weyn ee heysta wiilkaan Soomaaliyeed waxaana usoo dheer hadalkii uu gabay isagoo faraha uun ka hadlo, isla markaana cuntada uusan qaadan karin marka laga reebo Mishaarida ama Boorashka oo si tartiib ah afka loogu shubo.
Cid walba oo gargaar u fidin karta iyo taakuleen dhinacee rabto ha noqotee waxey ugu hagaajin karaan
Cabdifitaax Axmed Maxamuud
Email: ugargaar@yahoo.com
Tel: 0025224502777
Boorama ALLOOW U NAXARIISO ADOOMADAADA
|